Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku xaqiijiyey wareysi uu siiyey kanaalka “Al-Arabiya” adkeysiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo kan istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.
Madaxweynaha ayaa yiri: “Soomaaliya iyo Masar waxaa u dhexeeya xiriir taariikhi ah oo dheer, maanta sidoo kale waxaan nahay laba saaxiib oo istiraatiiji ah, xiriirkan ayaa dib ugu laabanaya xilligii ka horreeyey madax-bannaanida Soomaaliya ee kontameeyadii qarnigii hore, markii uu Maxamed Cabdullaahi Nasser xukunka hayay iyo markii Kanaalka Suweys la weeraray, Soomaaliya weli ma helin madax-bannaanideeda, balse shacabka Soomaaliyeed waxay taagnaayeen dhinaca Masar.”
Wuxuu intaas ku daray: “Xaqiiqdu waxay tahay in xiriirkeennu uu dib ugu laabanayo kumanaan sano, tan iyo markii boqoradda Hatshepsut ay booqatay Soomaaliya in ka badan shan kun oo sano ka hor, maanta Masar waxay markii ugu horreysay ka qaybqaadaneysaa hawlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya.”
Madaxweynuhu ayaa yiri: “Inkastoo hawlgallada noocan oo kale ah ay la socdaan dib u dhacyo “Bureaucracy” ah, ha ahaato Midowga Afrika, Qaramada Midoobay ama hay’ado kale, haddana Masar waxay dhammaysay qiimeynteeda, waxayna dirtay saraakiil si ay u daraaseeyaan dhulka oo u go’aamiyaan goobaha ay ka howlgali doonaan, waxaan sugeynaa imaanshaha ciidamadii ugu horreeyey ee Masar si ay ugu hoos shaqeeyaan Midowga Afrika.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intaas ku daray: “Masar sanado badan waxay si toos ah u siisay taageero ciidamada ammaanka iyo difaaca Soomaaliya, iyada oo loo marayo tababar iyo qalab bixinta qaar, sidaas darteed xiriirka Soomaaliya iyo Masar waa mid aad u xooggan.”