Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Magacyada maleeshiyaadkii Khawaarijta ee lagu laayay Ceeldheer
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Magacyada maleeshiyaadkii Khawaarijta ee lagu laayay Ceeldheer
GudahaWararka

Magacyada maleeshiyaadkii Khawaarijta ee lagu laayay Ceeldheer

By Dahir Aadan Cali
Last updated: September 13, 2025
3 Min Read
Share

Ceeldheer- SONNA-Waxaan helnay xogta iyo magacyada horjoogayaashii hoggaaminayey maleeshiyaad lagu qiyaasay 700 oo Khawaarij ah, kuwaas oo shalay weerarkii degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku noqday wax la dilay, wax nolosha lagu qabtay iyo wax lagu dhaawacay dagaalka.

Dagaalkaas oo socday ku dhowaad toddoba saacadood, waxay ciidamada dowladda oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka xoogga saareen in Khawaarijtii weerarka soo qaaday uusan ka laaban hal qof oo nool.

Gudaha magaalada, daafaha iyo duurka fogba meydadka cadowga ee urkooda dadka laga aasay waxay kor u dhaafayaan 75 dhagarqabe, oo horjoogayaal aan magacyadooda hayno ay ku jiraan, iyadoo dhaawacyada Khawaarijta ay ka badan yihiin 85 kale.

Horjoogayaasha la xusi karo ee dagaalka lagu dilay waxaa ka mid ah: Horjooge Cabdiqani Amiir Saariyow, Saciid Ibraahim Cali Tifoow, Saabir iyo Daadulaah, kuwaas oo ahaa horjoogayaashii ugu sareeyey Khawaarijta ku dhuumaaleysata bariga gobolka Galgaduud.

Halka dhaawacyada horjoogayaal ay ka mid yihiin Macallin Ciise, Dr. Bishaar iyo Carab Qamaar oo dabiib caafimaad loo waayey, naftuna ay ku dabayartahay, ay Khawaarijtu geeyeen Galhareeri iyo deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, waxaa lagu guuleystay in Khawaarijta nolosha looga qabto maxaabiis dagaal oo hadda ku jira gacanta ciidamada dowladda, iyadoo cadowga laga furtay hub iyo rasaas aad u badan.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa tan iyo 4-tii bishaan la socday qorshaha weerarka ay Khawaarijtu abaabuleysay. In xogta cadowga si toos ah loo la socday ayaa suurtagelisay guusha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen dagaalka.

Guusha ciidamada geesiyaasha ah waxay soo bilaabatay markii ay fashiliyeen qaraxyadii cadowgu ku soo rareen labo gaari, kuwaas oo ay doonayeen in weerarka ay ku bilaabaan, balse ciidamadu qarxiyeen iyagoo aan wax khasaare ah geysan.

Isku xirnaanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa horseedday in la jebiyo cadowga.

Difaacyada ciidamada dowladda oo ku yaallay goobo kala duwan ayaa sahlay in la wiiqo qorshihii cadowga oo la laayo maleeshiyaadkii Khawaarijta.

Ciidamada ayaa waqti fiican helay gurmad ciri iyo dhul ah, taas oo suurtagelisay in bilow ilaa dhammaadkii dagaalka ay ku gacan sareeyaan ciidamada qaranka iyo geesiyaasha hubka u qaatay inay cadowga iska difaacaan ee degmada Ceeldheer.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xukuumadda oo ansixisay qaraar ku aaddan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyay qaraar ku saabsan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxabannaan ee…

GudahaWararka
September 25, 2025

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare Xamse oo gaaray dalka Jabuti

Djibouti (SONNA): Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti,…

GudahaWararka
December 18, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

Belgrade-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute)…

GudahaWararka
September 3, 2025

Biden oo ku adkeystay inuu ku sii jiro tartanka doorashada madaxtinimo

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday inuu ku sii jirayo tartanka madaxtinimada isla markaana uu ka adkaan doono ninka…

Caalamka
July 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023