Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka
    March 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor
    March 7, 2026
    Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka
    March 7, 2026
    Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada
    March 6, 2026
    Barnaamij lagu afurinaayo dadka barakacayaasha ah oo ka socda Muqdisho
    March 6, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Daa’uud Aweys” Cunaqabteyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya, waxay caqabad ku ahayd dagaalka Khawaarijta,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Daa’uud Aweys” Cunaqabteyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya, waxay caqabad ku ahayd dagaalka Khawaarijta,”
GudahaWararka

Wasiir Daa’uud Aweys” Cunaqabteyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya, waxay caqabad ku ahayd dagaalka Khawaarijta,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 31, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay muhiimadda cunaqabateyntii  hubka ee laga qaaday Soomaaliya iyo dagaalka daba dheeraaday ee dalka looga xoreynayo Kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya muddada fog ay caqabad ku ahayd shaqada socota ee dib-u-xoreynta iyo sugidda guud ahaan amniga Dalka.

“Cunaqabateentii hubka ee laga qaaday dalka inta ay saarneed, waxay dhibaato ku ahayd howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ee socda.” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa sheegay in markii 2023-kii, lagu guuleystay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ay qasab noqotay in ay Dowladda hesho hub howlgallada amni ee socda wax looga qabto, taas oo suurta gelisay in Khawaarijta looga itaal roonaado in meelo badan oo dalka ka mid ah laga sifeeyo.

”Sannadkii 2023-kii ay Dowladda Soomaaliya ku guuleystay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saarneyd, waayo cunaqabateynta waxay caqabad ku ahayd shaqada socota ah ee ah dib-u-xoreyn in la sameeyo amnigana la sugo, waxaa markaas qasab noqotay in la helo barnaamijkaas ka shaqeyntiisa laga miradhaliyo waana lagu guuleystay,taas marka lagu guuleystay, Soomaaliya waxay heshay hub howshaas ama howlgallada socda wax looga qaban karo,”.

Khawaarijta, iyagoo gudaha Dalka dhib iyo fowdo ka wada ayay haddana xiriir dhow la leeyihiin kooxo kale argagixiso caalami ah oo hub iyo agabyo kale oo waxyeeleynaya Dalka soo geliya, si taas looga hortago, waxaa qasab noqotay in Soomaaliya ay hesho agab ama tixraacyo kale oo lagu ilaalinayo in aysan Khawaarijta hub qatar ah waddanka soo gelin iyo in Soomaaliya gasho heshiisyo dhinaca amniga ah, sida uu Wasiirka warfaafinta sheegay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Muqdisho- SONNA— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga…

March 7, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo booqday Machadka Pakistan ee Adeegyada Baarlamaanka

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uWasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Macallim Fiqi oo safar…

GudahaWararka
December 22, 2022

Guddoomiyaha SoDMA oo shir uga qayb galay Nairobi

Nairobi(SONNA):-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda Africa Risk Capacity (ARC) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir…

GudahaWararka
March 22, 2025

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

Muqdisho (SONNA):  Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa guddoomiyey kulan gaar oo ay ka soo qeyb…

GudahaWararka
June 2, 2025

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

The Hague (SONNA): Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta…

GudahaWararka
June 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023