Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Dekedaha XFS oo xilalka u kala wareejiyey Maareeyaha Cusub ee Dekeda Muqdisho iyo Maareeyihii hore
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Dekedaha XFS oo xilalka u kala wareejiyey Maareeyaha Cusub ee Dekeda Muqdisho iyo Maareeyihii hore
GudahaWararka

Wasiirka Dekedaha XFS oo xilalka u kala wareejiyey Maareeyaha Cusub ee Dekeda Muqdisho iyo Maareeyihii hore

By Axmed
Last updated: August 29, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Dakedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Maareeyihii hore ee Dakedda Muqdisho iyo Maareeyaha Cusub.

Maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay maamulka dekedda, munaasabad ay ka soo qayb-galeen wasiiro, agaasimayaal iyo masuuliyiin kale.

Ameeriko oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inuu ku shaqayn doono tilmaamaha Madaxweynaha iyo qorshaha Xukuumadda Danqaran, isagoo ballan qaaday casriyeyn iyo dhismo cusub oo dekedda lagu xoojinayo, si ay u noqoto il dhaqaale oo muhiim ah, maadaama ay tahay dekedda labaad ee ugu weyn Afrika. Wuxuu sidoo kale ammaanay dadaallada maareeyihii hore ee horumarinta dekedda siddeedii sano ee la soo dhaafay.

Maxamed Cali Ameeriko waa siyaasi iyo diblomaasi khibrad dheer u leh adeegga dawladda, isagoo soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Kenya (2007–2015), Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (2005–2006), iyo kusimaha safaaradda Soomaaliya ee Nairobi (2006–2007). Sidoo kale wuxuu ka shaqeeyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo shirkado caalami ah oo uu ku jiray “CocaCola”.

Ameeriko waxa uu sidoo kale aas-aasiye u yahay hay’adda Yasmiin Foundation oo maamusha 11 dugsi oo lacag la’aan ah, kuwaas oo waxbarasho siiya carruur agoon ah, naafada iyo qoysaska danyarta ah.

Xilkan cusub ayuu ku wajahayaa khibraddiisa siyaasadeed, maamul iyo diblomaasiyadeed, si loo xoojiyo kaalinta dekeddu ku leedahay ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha qaranka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda deegaanka oo bogaadisay qabqabashada dad geedo ka jarayey Ceelwaaq Gedo

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada dowladda FS ayaa soo dhoweysay hawlgal ay ciidanka ammaanku ka sameeyeen degmada Ceelwaaq…

GudahaWararka
July 29, 2024

Madaxwaynaha Galmudug oo caawa Shir Deg Deg La yeeshay Gollahiisa Wasiirada

DHUUSO-MAREEB (SONNA) Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo caawa ka dhacay…

GudahaWararka
October 8, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo tababar u furtay shaqaalaha xarumaha caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa tabarkan oo soconayo mudo shan maalin ah magaalada Samareeb uga furtay…

Wararka
February 25, 2021

Dowladda Soomaaliya oo xoogga saareysa maareynta iyo ka hortagga masiibooyinka ka jira dalka

Muqdisho (SONNA)- Sii hayaha wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay xoogga…

Wararka
August 4, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023