Boosaaso (SONNA): Ciidanka Daraawiishta Puntland ee kujira howlgalka Togga Baalade’e ee Buuraladeyda Calmiskaat ee GobalkaBari, gaar ahaana aaga Kalshalayaal ayaa maanta gacanta kudhigay hubkii ugu badnaa oo noocyo kale duwan leh, Agabyo rasaas oo noqonayaa kii ugu badnaa ee hal aag looga qabto cadowgan, una muuqda in uu yahay kii ay ugu talogaleen kooxahooda wali kujira godadka Baalade’e.
Ciidanka ayaa Sidoo kale dilay sadex kamid ah xubnaha Argagixiso ee halkaas kusugnaa, iyadoo la xaqiijiyey in dhaawacyo ay halkaasi ka jiiteen,Hubkan ayaana noqonaya mid leh qoryo ay kujiraan boobayaasha culus, Hoobiyayaal iyo Saanad aan cadad tiro lahayn.
Ciidamada ayaana wali wada howl galladooda Sifaynta ee Kooxdaani yar ee ku Dhuumaalaysanaysa Aagaga Togga Baallade oo ay ku juran furxadkii ugu Danbeeyay ee Kooxdaani khawaariijta ah.
Sidoo kale wax yar 24saac ayaa ka hartay Waqtigii 72da saac ahaa ee ay Puntland u qabatay inay isku soo dhiibaan Kooxdaani yar ee ay ku hareraysan yihiin Ciidamada Difaaca Puntland.