Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka Wadatashiga Waxbarashada oo Maalintii labaad ka socda magaalada Jowhar
    August 25, 2025
    Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo
    August 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Galgaduud
    August 25, 2025
    Maxkamadda Ciidamada oo fulisay xukun dil ah oo lagu riday xubno Khawaarij ah
    August 25, 2025
    Saraakiisha CXD oo kulan xog-wareysi ah la yeesheen odayaasha dhaqanka deegaanka
    August 24, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Haweenka XFS oo la Kulantay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Norway
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Haweenka XFS oo la Kulantay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Norway
GudahaWararka

Wasiirka Haweenka XFS oo la Kulantay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Norway

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 24, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka JFS Marwo Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa kulan kula yeelatay magaalada Oslo ee Dalka Norway Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Norway Åsmund Grøver Aukrust .

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hormarinta ee laxiriira Carruurta, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyadoo labada wasiir ay isla meel dhigeen sidii loo hirgalin lahaa arrimaha ay kawada hadleen waxaana kulanka wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Mohamed Bashir Omar.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Oslo ee caasimadda Dalka Norway uga qeybgashay Shir looga hadlayay Doorka Haweenka ee Dib-u-dhiska Qaranka taasoo ay kasoo qeyb galeen madax kala duwan oo ka kala socday Soomaaliya iyo Dowlada Marti galisay ee Norway. Kulanka oo ay soo Agaasintay Hay’adaha NOREAF ayaa waxaa furay Wasiir Amb Khadija Mohamed iyadoo sidoo kale madasha ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Noray, Duqa Magaalada Oslo, XIldhibaanno ka kala socday Dowlada Soomaaliya iyo Norway iyo madax kale oo badan.

Madashan oo aheyd tii u horeeysay ee noocan oo kala ah oo lagu qabto Oslo ayaa waxaa si qoto dheer loogu qaadaa dhigay kaalintii ay kasoo ciyaareen haweenka soomaaliyeed nabadeynta iyo dib-u-yagleelida Dowladnimada Soomaaliya kadib buruburkii Dowladdii Dhexe.

Kulankan, waxaa kasoo qeyb galay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway iyo qaar kale oo ka kala yimid guud ahaan caalamka waxana la isla gartay in lasii laba jibaaro dadaalka ay haweenka Soomaaliyeed ugu jiraan xaqiijinta Qaran xooggan oo dib ula fal gala Aduunka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirka Wadatashiga Waxbarashada oo Maalintii labaad ka socda magaalada Jowhar

Jowhar (SONNA) –Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa maalintii labaad ka socda Shirka Wadatashiga…

August 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi oo khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine

Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka…

GudahaWararka
January 16, 2025

Diyaarad ku burburtay Dooloow Soomaaliya

Dooloow-(SONNA)-Diyaarad nooca rakaabka oo ka ambabaxday magaalada Muqdisho kuna sii jeedday degmada Dooloow Soomaaliya ayaa maanta ku burburtay madaarka magaalada…

GudahaWararka
November 3, 2021

Ciidamada ammaanka oo la wareegay guri saldhig u ahaa Khawaarijta hoobiyaha ku soo weerarta Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Amaanka gaar ahaan ciidamadda howlgalka Ciiltire oo ka kooban Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran iyo…

GudahaWararka
June 25, 2023

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar 

Muqdisho (SONNA): Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis dowladda Soomaaliya…

GudahaWararka
November 5, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023