Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 11, 2025
7 Min Read
Share

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hub, Saanad Ciidan oo kala duwan, Horjooge iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa qabashada Bariire kadib kormeer shaqo ku tagay halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kuna dhigeen casharro lama ilaawaan ah, intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa tegay gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaliyeed Khalid Sheikh Cabdullahi Cumar ayaa bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka

“Waxaan booqday maanta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo shalay lagu nadiifiyay howlgalka qorsheysan ee guusha leh ee ‘Duufaanta Aamusan’. Guushan waxay timid kaddib markii geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya ciidamada UPDF ee qeybta ka ah AUSOM ay jebiyeen difaacyadii cadowga, lagana furtay hub badan, gacantana lagu dhigay maxaabiis, isla markaana loo geystay khasaare nafeed culus”.

Taliyaha ayaa Bartiisa Baraha Bulshada ku qoray, “Cadowgu waxa uu hore u jaray buundada deegaanka, taas oo muhiim u aheyd isku socodka bulshada, gaar ahaan Beeraleyda, si uu ugu go’doomiyo nolol maalmeedkooda. Maanta, shacabka Bariire waxay dib u heleen xorriyaddooda iyo neecowda dowladnimada, iyadoo ciidanka Qaranku ay xaqiijiyeen in amniga iyo kala dambeyntu dib ugu soo laabato deegaanka, islamarkaana ay ka socdaan howlaha nadiifinta cadowga”.

Isagoo ka hadlaayay kormeerkiisa, “Intii aan ku guda jiray kormeerka, waxaan dhiirrigelin iyo bogaadin u jeediyay geesiyada ciidanka & saaxiibadeen UPDF ee ku sugan jiidda hore, kuwaas oo u taagan difaaca Shacabka. Bariire maanta waa calaamad muujinaysa go’aanka iyo awoodda dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan sifaynta iyo nadiifinta dhulka Soomaaliyeed meel kasta oo cadowgu ku dhuumanayo. Howlgalka ‘Duufaanta Aamusan’ wuu soconayaa ilaa laga xaqiijiyo amniga, midnimada iyo karaamada Qaranka”.

Sawirka kor ka muuqda waa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka  Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska GorGor, Gaashaanle Cali Cageey oo kor u haaya Gumac ka mid ah hubka laga furtay dhowr maalin ka hor Argagaxisada Al-Shabaab dagaalkii cuslaa ee Bariire, midkaasoo in ka badan 120 maleeshiyaadkooda ah lagu dilay.

Gumaca ay taliyayasha gacanta ku haayaan waxaa uu u eg yahay nooca la dhahaa (Al Yaasiin ), wuxuuna ku rakibmaa qoriga RPG-7 ee Soomaalida u taqaan ‘SABANKA’, kaasoo garabka laga tuuro. Gumacaan loo bixiyay ‘Al Yaasiin’ waa garneyl ay farsamadiisu aad u sareyso.

Gumaca Al-Yaasiin ayaa awood u leh inuu duleeliyo Taangiyada iyo Gawaarida Gaashaaman, islamarkaana burburiyo, iyadoo dagaalka Gaza lagu arkay awoodiisa, waxaana  la sheegaa in laba marxaladood uu qarxo, iyadoo gumaca Afka hore uu shaqada u fududeeyo midka labaad oo qaraxa xooggan wata.

Inkastoo Khubarada Soomaaliyeed ee Hubka aysan wax tafaasiil ah ka bixin Gumacaan, balse waxaa loo maleynayaa inuu yahay ‘  Al-Yaasiin’. “Dowlada federaalka Soomaaliya waa inay arrintaasi ku baraarugtaa oo qorshaha lagu darsadaa”, sida uu qabo Falanqeeye arrimaha Amniga ah.

Dhinaca kale Wasiirka gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan qabtay shir jaraa’id ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal socday muddo toddobaad ah oo Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna xaqiijiyey howlgalkan intii uu socday in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwa noolna gacanta lagu dhigay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey ciidanka xoogga iyo taageerada Saaxiibada Caalamku la garab joogaan Dowladda Soomaaliya” ciidankeenna waad guulaysateen, waxaad kor u qaadeen niyadda shacabka Soomaaliyeed, waxaa weeye dagaalku wuu soconayaa ilaa dhamaan dhulka Soomaaliya laga nadiifinayo kooxaha Khawaarijta”ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ciidanka xoogga ayaa gacanta ku dhigay dhamaan goobihii Khawaarijtu ku dhuumanaysay waxayna Ciidanku hadda wadaan hawlgalo lagu ururinayo Maydadkii iyo hubkii ay ka carareen khawaarijta.

Weriye ka tirsan Warhaabinta Dowladda Zakariye Qaasim Bagax, oo ku sugan Bariire, ayaa la kulmay labo ka mid ah khawaarijta oo lagu qabtay howlgalka guuleystay ee Bariire.

Maxbuuska koowaad, oo ah mid ka mid ah horjoogayaasha arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa silsilad ku xiray geed weyn salkiisa, iyagoo ku talagalay in uu dagaallamo ilaa uu ka dhinto, hase yeeshee, ciidanka Qaranka ayaa nolosha ku qabtay.

Bariire waxaa loogu tegay wax yaab leh, dhagarqabahaan waxaa Geedka loogu xiray inuu aad u dagaalamo oo uusan cararin, markii rasaastu ka dhamaatay, isaguna uu dhima waayey ayaa nolosha lagu qabtay, waxaanana sida ka muuqata sawirka. Bal eeg arxan darrada Khawaarijta, Wiilkaan yarka ah ee aan 15 sano gaarin ayay silsilad iyo qunful kula xireen geed si uu ugu dagaalamo ilaa uu ka dhinto

“kan labaad ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah, waxaana hadalladiisa laga fahmay inuu yahay horjooge dhagar badan, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadkii uu watay, oo dagaalka lagu laayay, uu gurmad ahaan uga keenay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe”sida uu sheegay.

Deegaanka Bariire waa magaalo-beereed istiraatiiji ah oo 73 kiiloomitir (45 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxay kaloo ku fiican tahay dhaqashada Xoolaha, gaar ahaan Lo’da.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA (:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane  Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaaladda Nairobi kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee…

GudahaWararka
August 12, 2021

Danjiraha JFS ee Suudaan oo la kulmay wasiirka Beeraha Dalkaasi+Sawirro

Khaartuum(SONNA) Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Suudan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo…

Wararka
July 23, 2020

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo shirguddoomiyey shirka Guddi Howleedka Farsamo Ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulanka ugu horreeyay ee Guddi…

GudahaWararka
January 14, 2024

Madaxweynaha dalka oo Khudbad u jeedin doona maanta labada Aqal ee Baarlamaanka

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane, Xasan Sheekh Maxauud ayaa lagu wadaa in maanta uu Khudbad u jeedinaya Baarlamaanka Labadiisa Aqal,…

GudahaWararka
January 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023