Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 10, 2025
2 Min Read
Share

Aljeres,(SONNA):-– Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, kaas oo ka dhacay magaalada Aljeres, caasimadda dalkaas.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, farsamada gacanta, iyo xoolaha. Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha gobolka, oo ay kamid yihiin xaaladaha ka taagan Suudaan, marinka Gaza, Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil. Labada dhinac ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhab ah si loo helo xasilooni waarta oo ka hana qaadda guud ahaan gobolka.

Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahad celiyey dowladda Aljeeriya taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sal adag leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, ayaa isna uga mahad celiyey dhiggiisa Soomaaliyeed booqashada iyo dadaallada uu ku bixinayo xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in dowladda Aljeeriya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha K/Galbeed oo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Samofalka Gobolka Baay

Madaxweynaja Dowlad Goboleedka K/Galbeed Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen  ayaa Guddoomiye ku xigeenka Samofalka Gobolka Baay u magacaabay  Aadan Xasan…

Wararka
August 2, 2020

Shirweynaha Bangiyadda Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho(SONNA):-𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 (𝐒𝐁𝐅𝐂-𝟐𝟎𝟐𝟒) oo goordhow ka furmay Magaalada Muqdisho. Shirkan oo socon doona muddo laba…

GudahaWararka
September 29, 2024

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo booqday Askartii ku soo dhaawacantay Difaaca Dalka

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka gaashaandhigga xukumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji oo booqday Askartii ku soo dhaawacantay furumaha dagaalka ayaa ku Amaanay…

GudahaWararka
June 4, 2021

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay jabka argagaxisada loogu geystay magaalada Masagawaay

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay ka…

GudahaWararka
May 30, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023