Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliye Odawaa oo kormeeray deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose oo Khawaarijta laga saaray
    August 13, 2025
    Shirweynaha IGAD ee dhalinyarada oo ka  furmay Nairobi
    August 13, 2025
    Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo shir uga qaybgalaya Koofur Afrika
    August 13, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Wado laga hirgelinayo waaxda Saqaawadiin ee Degmada Shibis
    August 13, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    August 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: August 8, 2025
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Ethiopia, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye Ku-xigeenka Koowaad ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

4-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles Nicholas King, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

5-Wasaaradda Cadaaladda iyo Maxkamadda Sare ayaa qabatey kulan wadajir ah oo looga hadlayay caqabadaha ka taagan xabsiyada dalka sida buux-dhaafka maxaabiista iyo arrimaha badqabka maxaabiista.

6-Wasiirka Arrimaha Dibadda  Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa  qaabilay  Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

7-Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.

8-Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway ayaa sheegay in xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay ka jirto baahi ballaaran oo u baahan gurmad degdeg ah.

9-Waxaa  magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) kaas oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hay’adood iyo qorsheyaasha la xiriira adeegsiga kaarka aqoonsiga qaranka.

10- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay, Danjire Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

11- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya , Karin Johansson,iyagoo ka wada hadlay difaaca dhanka amniga iyo  taageerada Yurub ee Soomaaliya.

12- Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ayaa jab xooggan gaarsiiyey argagaxisada Al-Shabaab dagaal ka dhacay magaalada Bariire ee gobolka Shabeelleha Hoose, iyadoo halkaasi lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada.

13- Dab khasaare maaliyadeed oo baaxad leh gaystay ayaa qabsaday  Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

14- Wasiirka Maaliyadda  Biixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshaya Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles King, iyagoo ka wadahadley xiriirka dhaqaale ee labada dal.

15- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hay’addu siiso bulshada Soomaaliyeed.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda  Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka  guddoomay  qaar ka mid ah nuqulka  warqadaha aqoonsiga danjirannimo ee Safiirada  dalalka Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.

17- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)  ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo dollar ($200,000) ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya.

18- Safaaradda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  ee dalka Hindiya ayaa magaalada New Delhi ku soo dhoweysay toban diblomaasiyiin oo ka socday  Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi socdaal shaqo ku gaarey.

19- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay Maxamed Aadan Afrax, Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar .

20- Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda  Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa magaaladda Bangui ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe uga qeyb galey shirka Wasiirrada Maaliyadda ee dalalka Afrika oo looga hadlay  horumarinta dhaqaalaha iyo u adkeysiga isbedelka cimiladda .

21- Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  ayaa magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kulamo wadatashi ah la kula qaatay odaayasha dhaqanka  ,iyagdoo ka wadahadley sidii shacabka ay ula shaqeyn lahaayeen Ciidamada Qalabka Sida ee dhowaan la wareegay amniga gobalka.

22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta  ayaa magacaabay Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

23- Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo gabagabaysay aqoon isweydaarsi ku saabsan  diyaarinta waajibaadka iyo qaab dhismeedka guud ee amniga badaha Soomaaliya iyo duulaanka khataraha badaha ka dhaca.

24- Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa hawgallo ku beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku yaalley degaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

25- Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) oo ka tirsanaa argagixisada Al Shabab ayaa lagu  fuliyay dil toogasho oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada kadib markii ay ku heshay dilal iyo dembiyo argagixiso oo ay geysteen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliye Odawaa oo kormeeray deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose oo Khawaarijta laga saaray

Muqdisho (SONNA): Sareeyo Gaas Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta Kormeeray…

August 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo 35 kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan dalka Mareykanka lana hadlay Warbaahinta…

GudahaWararka
February 24, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha XFS oo u amba-baxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta

Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Isutagga Imaaraadka…

GudahaWararka
January 30, 2022

Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe Soomaaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo.

Kismaayo(SONNA):-Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Yaasiin Cali Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta  gaaray magaalada Kismaayo ee…

GudahaWararka
January 29, 2023

Ciidanka Jubbaland iyo ATMIS oo burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta

Kismaayo-(SONNA)-Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa howlgalka ATMIS ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo…

GudahaWararka
February 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023