Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: 70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
GudahaMaqaalladaWararka

70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 6, 2025
4 Min Read
Share

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, islamarkaana garab ka helayaan saaxiibada caalamka ayaa jab culus ku gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, kadib howlgal qorsheysan oo guul leh oo halkaasi ka dhacay.

Sida wararku sheegayaan Khawaarijta ayaa markaasi isku dayday in ay laba gaari oo Miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay guuleysteen in ay si taxadar leh u burburiyaan labadaasi gaari ka hor intaysan waxyeello geysan.

Howlgalkan oo qeyb ka ah ololaha loogu magic daray “Duufaanta Aamusan”, ayaa si toos ah loogu beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana lagu jebiyay difaacooda, intii uu socday howlgalka, in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa halkaasi lagu dilay, wuxuuna howlgalkaasi socday muddo Afar maalmood ah, ugu dambeyntiina waxaa laga gaaray guulo muhiim ah, inkastoo ay ku shahiideen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka 12 kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen, kuwaas oo si degdeg ah loogu sameeyay daryeel caafimaad, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah u bogaadineysaa geesinimada, feejignaanta, iyo naftu-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Uganda, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka. Wasaaraddu waxay mar kale adkeynaysaa go’aanka cad ee ah in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Hadalka Wasaaradda ayaa yimid maalmo kadib markii AUSSOM ay sheegtay in in ka badan 50 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ka dhacay isla deegaanka.

Bariire waa magaalo-beereed istiraatiiji ah oo 73 kiiloomitir (45 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxay kaloo ku fiican tahay dhaqashada Xoolaha, gaar ahaan Lo’da.

Dhinaca kale war ay soo saartay Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayay ku sheegtay in Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Cumar-Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka lagu dilay Shan xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay, waxaana jirta in Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo in ka badan 16 sano soo waday dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u beegsada ciidamada ammaanka, Saraakiisha dowladda iyo dadka rayidka ah.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidanka Xoogga Dalka uu ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaannada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee ku teedsan Webiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay deegaannadaasi, kuwaas oo ka dambeeyay falal isugu jira dhac, baad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu dhibaateynayay bulshada Rayidka ah.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay deegaannadaas ka sifeeyaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee isku dayay inay ku dhuumaaleystaan qeybo ka mid ah gobolka, waxaana sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen kooxda, kuwaas oo hadda lagu hayo baaritaanno ku saabsan kaalintooda ku aaddan taageerada Khawaarijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Magacyada Horjoogeyaasha Khawaarijta ee Carruurtooda cabsi awgeed ugala cararay deegaannada ay ku sugan yihiin

Tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta Al-shabaab uu ka billawday dalka, waxaa sii kordhayay cabsida iyo argagaxa…

GudahaMaqaalladaWararka
April 30, 2023

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo tababar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda

Muqdisho-(SONNA)-Ku dhowaad 20- ka tirsan howl-wadeenada warbaahinta Qaranka ayaa ka qeybgalay tababar ku saabsan soo saarista Barnaamijyada iyo ka shaqeynta…

WararkaWargayska
September 7, 2020

Wasaaradda Duulista Hawada oo qabatay kulan looga hadlayay howlaha Hay’adda Duulista “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa qabatay kulan muhiin u ahaa horumarinta hay’adda Duulista Rayidka, Ku xigeenka Maareeyaha…

GudahaWararka
August 27, 2021

Wasiirka Shaqada XFS oo Muqdisho ka furay kulan ku saabsan siyaasadda ilaalinta Bulshada+Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay inuu diiradda saarayo sidii…

Wararka
November 3, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023