Muqdisho (SONNA): ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.
Madaxweynaha ayaa uga hambalyeeyey safiirradan in ay ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkan.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.
Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ayaa kala ah:
โขโ โ Suleiman Dedefo Woshe โ Safiirka Itoobiya
โขโ โ Robert Ifriyie โ Safiirka Ghana
โขโ โ Maes Ennio โ Safiirka Ivory Coast
โขโ โ Alejadro Eves Estivill Castro โ Safiirka Mexico
โขโ โ Moravia Peralt Hernaldez โ Safiirka Venezuela
โขโ โ Kang Hyundshik โ Safiirka Korea
โขโ โ Hussein Deh โ Safiirka Mauritania
โขโ โ Kahtan Taha Khalaf โ Safiirka Ciraaq
