Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay wasiirka gaashaandhigga dalka
    July 30, 2025
    Soomaaliya iyo Jabuuti oo gaaray heshiis lagu kordhinayo ciidamada dalkas oo Soomaaliya jooga
    July 30, 2025
    Guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS oo gaaray Xudur
    July 30, 2025
    Ra”iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    July 30, 2025
    Xdhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha
    July 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    July 30, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM
GudahaWararka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 29, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels, oo booqasho shaqo ku timid Soomaaliya.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha SoDMA iyo IOM, iyada oo labada dhinac ay ka mideysan yihiin ka falcelinta xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka taagan, kuwaas oo maraya heer aad u xasaasi ah.

Intii uu socday kulanku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray, Caqabadaha horyaalla howlaha gurmadka bini’aadantinimo, Fursadaha iskaashi ee lagu xoojin karo wax ka qabashada abaaraha, colaadaha iyo saameynta isbeddelka cimilada, iyo sii si degdegga ah ee gargaarka loogu gaarsiin karo dadka nugul ee ay si toos ah u saameeyeen musiibooyinka iyo barakaca.

Marwo Ugochi Daniels, oo hadal ka jeedisay kulanka, ayaa si weyn u bogaadisay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan SoDMA, gaar ahaan isku dubaridka gurmadka degdegga ah ee la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka jira gudaha dalka. Waxay ballan qaaday in IOM ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso SoDMA, ayna garab istaagi doonto howlaha hal-abuurka iyo horumarinta xalalka waara ee loogu talagalay barakacayaasha iyo bulshada nugul.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin, ayaa isna dhankiisa u mahadceliyey Marwo Daniels iyo guud ahaan IOM, isagoo xusay doorka muuqda ee ay IOM ka qaadato la tacaalidda xaaladaha bini’aadantinimo iyo dardar-gelinta iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood.

“IOM waa saaxiib istiraatiiji ah oo naga caawiyay in aan si wanaagsan ugu jawaabno musiibooyinka isdaba-joogga ah ee dalka ka dhaca. Waxaan rumeysannahay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah helitaanka xalal waara iyo qorshe deegaan ku saleysan,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la dardargeliyo hawlgallada wadajirka ah, lana xoojiyo iskaashiga ku saleysan hal-abuur iyo wax ka qabasho waarta oo gaaraysa dadka Soomaaliyeed ee u baahan taageerada bini’aadantinimo.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay wasiirka gaashaandhigga dalka

Jabuuti (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga…

July 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasime Cabdiqadir Cali Dige “Cawaaqib Xumo ayaa ka dhalan doonta Damaca Gurracan ee ay ku dooneyso Badda Soomaaliya”.

Muqdisho(SONNA):-Madaxtooyada Qaranka ayaa faah faahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Ethiopia ay Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga hor istaageen inuu galo xarunta…

GudahaWararka
February 18, 2024

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo tababar la xiriira tallaalka COVID-19 u furtay shaqaale Caafimaad “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafinaadka Galmdug Dr Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa Caabudwaaq maanta ka daahfuray Tababar la xariira qaabka bixinta tallaalka…

GudahaWararka
March 31, 2021

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya horumarinta gaadiidka

Riyadh-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Xildhibaan Fardowsa Osman Egal ayaa Maanta, kulan laqaadatay Dhigeeda  Wasiiirka Gaadiidka…

GudahaWararka
May 22, 2024

Finland oo lagu soo rogayo xayiraado cusub kiisaska Corona Virus oo kordhay awgeed

Helsinki (SONNA)- Magaalooyinka Helsinki, Espoo iyo Vantaa iyo hareeraheeda oo kamid ah Dalka Finland ayaa la go’aamiyay xadaymo cusub laga…

Wararka
November 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023