Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda oo beeniyay wada-hadal u dhexeeya Mareykanka iyo Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda oo beeniyay wada-hadal u dhexeeya Mareykanka iyo Khawaarijta
GudahaWararka

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda oo beeniyay wada-hadal u dhexeeya Mareykanka iyo Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 27, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad), ayaa si cad u beeniyay jiritaanka wax wada-hadal ah oo u dhexeeya Dowladda Mareykanka iyo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo sheegay in mowqifka Mareykanka uusan isbeddelin.

Mudane Cali Maxamed Cumar oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Carabi Al-Jadiid,xilli uu ku sugnaa caasimadda Qatar ee Doha ayaa yiri, “Wararkaasi gabi ahaanba waa been, si buuxda ayaan u diidnay.”.

Wasiir ku-xigeenka, ayaa intaasi ku daray in Mareykanku weli u arko Al-Shabaab inay yihiin urur argagixiso ah, islamarkaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadooda ku aaddan arrintaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay maamulka Soomaaliland.

Wuxuu sheegay in khilaafkaasi lagu xaliyay dhex-dhexaadin ay sameeyeen Turkiga, taas oo keentay in Itoobiya aqbasho madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayna labada dal ku heshiiyeen iskaashi darisnimo oo ka tirsan Midowga Afrika.

sidoo kale, Wasiir Balcad, ayaa hosts ka  xariiqay in heshiiskaasi oggolaanayo Itoobiya in ay dekedaha Soomaaliya u adeegsato ujeeddo ganacsi, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale cadeeyay in safarkiisa Qatar uu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, ayna booqashadu aanay wax xiriir ah la lahayn socdaalkii uu bisha hore halkaas ku tagay Madaxweynaha Soomaaliland.

Marka laga hadlayo suurtagalnimada in Qatar dhex-dhexaadin ka gasho arrimaha Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliland tahay mid ka mid ah maamul-goboleedyada dalka, ayna dowladdu door-bidayso in arrimaheeda gudaha ay iyadu xalliso, hase yeeshee ay soo dhoweynayaan cid kasta oo kaalin wanaag leh ka qaadan karta.

Dhanka doorashooyinka, Wasiirka ayaa xaqiijiyay in doorashada dalka lagu qaban doono waqtigeeda sannadka soo socda, islamarkaana aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo mucaaradka, balse uu jiro dood ku saabsan habka doorashada, taas oo la doonayo in loo wareejiyo hannaan toos ah oo ay dadku si toos ah ugu codeeyaan Madaxweynaha.

Wasiir Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay taageero u muujiyeen sharciga cusub ee doorashada, hase yeeshee ay jiraan qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ka cabsanaya inay lumiyaan mudnaantooda, isagoo hoosta ka xariiqay in wadahadalladu ay socdaan si loo gaaro is-afgarad qaran.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in baarlamaanka uu meel mariyay afar cutub oo ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka, islamarkaana uu socdo qorshe dhammeystiran oo lagu dhameynayo Dastuurka dalka dhammaadka sanadkan. Waxa uu xusay in Soomaaliya weli ku jirto marxalad ay ka kabaneyso xagga siyaasadda iyo dhismaha hay’adaha dowladeed.

Dhanka amniga, Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in kooxda Al-Shabaab ay sii liicayaan, ayna dowladda federaalka ah guulo la taaban karo ka gaartay deegaanno badan, isaga oo ugu dambeyn ugu baaqay beesha caalamka in ay sii kordhiso taageerada ay siiso Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Suudaan: Milatariga oo qorsheynaya in dib loo soo celiyo R/wasaarihii la afgambiyay

Milatariga Suudaan ayaa qorsheynaya in ay dib u soo celiyaan ra'iisul wasaarihii xukunka laga tuuray Abdalla Hamdok ,isla markaana la…

Caalamka
January 7, 2023

Shirkadda Rotana oo ku dhawaaqday in ay Muqdisho ka dhiseyso Hotel Caalami ah

Maamulka Shirkadda Rotana oo ah shirkad maamusha hoteello badan oo ku yaalla dunida ayaa ku dhawaaqday dhismaha Hotelkii u horreyay…

Gudaha
December 27, 2024

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay ajaaniib si sharci darro ah kaga kalluumeysanayay xeebaha dalka

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 36 dambiile oo ajaanib ah lagana soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya ayagoo si sharci darro ah…

GudahaWararka
June 6, 2023

Madaxweynaha JFS oo labada aqal ee Baarlamaanka ka codsaday kulan gaar ah

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada…

GudahaWararka
October 30, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023