Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda oo beeniyay wada-hadal u dhexeeya Mareykanka iyo Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda oo beeniyay wada-hadal u dhexeeya Mareykanka iyo Khawaarijta
GudahaWararka

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda oo beeniyay wada-hadal u dhexeeya Mareykanka iyo Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 27, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad), ayaa si cad u beeniyay jiritaanka wax wada-hadal ah oo u dhexeeya Dowladda Mareykanka iyo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo sheegay in mowqifka Mareykanka uusan isbeddelin.

Mudane Cali Maxamed Cumar oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Carabi Al-Jadiid,xilli uu ku sugnaa caasimadda Qatar ee Doha ayaa yiri, โ€œWararkaasi gabi ahaanba waa been, si buuxda ayaan u diidnay.โ€.

Wasiir ku-xigeenka, ayaa intaasi ku daray in Mareykanku weli u arko Al-Shabaab inay yihiin urur argagixiso ah, islamarkaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadooda ku aaddan arrintaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay maamulka Soomaaliland.

Wuxuu sheegay in khilaafkaasi lagu xaliyay dhex-dhexaadin ay sameeyeen Turkiga, taas oo keentay in Itoobiya aqbasho madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayna labada dal ku heshiiyeen iskaashi darisnimo oo ka tirsan Midowga Afrika.

sidoo kale, Wasiir Balcad, ayaa hosts ka ย xariiqay in heshiiskaasi oggolaanayo Itoobiya in ay dekedaha Soomaaliya u adeegsato ujeeddo ganacsi, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale cadeeyay in safarkiisa Qatar uu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, ayna booqashadu aanay wax xiriir ah la lahayn socdaalkii uu bisha hore halkaas ku tagay Madaxweynaha Soomaaliland.

Marka laga hadlayo suurtagalnimada in Qatar dhex-dhexaadin ka gasho arrimaha Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliland tahay mid ka mid ah maamul-goboleedyada dalka, ayna dowladdu door-bidayso in arrimaheeda gudaha ay iyadu xalliso, hase yeeshee ay soo dhoweynayaan cid kasta oo kaalin wanaag leh ka qaadan karta.

Dhanka doorashooyinka, Wasiirka ayaa xaqiijiyay in doorashada dalka lagu qaban doono waqtigeeda sannadka soo socda, islamarkaana aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo mucaaradka, balse uu jiro dood ku saabsan habka doorashada, taas oo la doonayo in loo wareejiyo hannaan toos ah oo ay dadku si toos ah ugu codeeyaan Madaxweynaha.

Wasiir Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay taageero u muujiyeen sharciga cusub ee doorashada, hase yeeshee ay jiraan qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo ka cabsanaya inay lumiyaan mudnaantooda, isagoo hoosta ka xariiqay in wadahadalladu ay socdaan si loo gaaro is-afgarad qaran.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in baarlamaanka uu meel mariyay afar cutub oo ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka, islamarkaana uu socdo qorshe dhammeystiran oo lagu dhameynayo Dastuurka dalka dhammaadka sanadkan. Waxa uu xusay in Soomaaliya weli ku jirto marxalad ay ka kabaneyso xagga siyaasadda iyo dhismaha hayโ€™adaha dowladeed.

Dhanka amniga, Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in kooxda Al-Shabaab ay sii liicayaan, ayna dowladda federaalka ah guulo la taaban karo ka gaartay deegaanno badan, isaga oo ugu dambeyn ugu baaqay beesha caalamka in ay sii kordhiso taageerada ay siiso Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xukuumadda oo Naafada ku daraysa Dib-u-eegista Dastuurka

Muqdisho-(SONNA)-Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa daah-furay kulan dadweyne oo…

GudahaWararka
September 11, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shir-madaxeedka dalalka Ciidamada AUSSOM

Entebbe(SONNA)"-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shir-madaxeedka dalalka qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika…

GudahaWararka
April 25, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa maanta kulan la…

GudahaWararka
August 11, 2024

Wasaaradda Isgaarsiinta XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho maanta ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga…

GudahaWararka
December 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023