Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dekadda Muqdisho iyo Berbara oo loo aqoonsaday dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika Sanadkii 2024
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Axmed
Last updated: July 25, 2025
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho mar kale kulan wadatashi ah kula yeeshay siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyagoo ka wadahadley geeddi socodka mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane, Abdalla Cuteybi,iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac gaar ahaan, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalkooda, loogana fadhiyo in ay xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga Ciidanka Qalabka Sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda dib loogu celinayo shacabka.

4- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabad lagu soo bandhigayey waxbixinta sanadeedka horumarka maaliyada dowladda ,oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda .

5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeyay dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, oo ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita baasaboorrada diblumaasiga iyo kuwa shaqada.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka ay abaartu ku saameysay gobolka Awdal.

7- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros.

8- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul uga qeyb galey Bandhigga Caalamiga ah ee Warshadaha Difaaca (IDEF 2025) oo lagu soo bandhigayay hubka difaaca taknoolijiyadda ee casriga ee dalka Turkiga .

9- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabilay Ku-Simaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Nasar Maxamed Al Sanuusi .

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magaalada Jowhar kulan kula yeeshay Ku-Simaha Madaxa Naser Sayid.

11- Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dhuubo ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Danjire Ahmed bin Mohammed Al-Muwalad.

12- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Maxamed Xassan Maxamed ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) oo dhawaan loo doortay hoggaanka ururka .

13- Ciidamada dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa Khawaarijta ku weeraray goob ay isku uruursanayeen oo u dhaxeysa degmada Maxaas iyo degaanka Wabxo, halkaas oo lagu jebiyey cadowga Khawaarijta ah.

14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

15- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yusuf Maxamed Aadan ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Muqdisho mashruuc cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qoysaska danyarta ah.

16- Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xildhibaan Dahabo Susow Maxamuud ayaa si’ rasmi ah u furtay aqoon korarsi ah loo qabtay 34 garsoore oo dumar ah .

17- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mustafa Dhuxulow ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Madaxda Laamaha Socdaalka iyo Amniga ee Switzerland iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan hay’adaha cadaaladda iyo kuwo kale.

18- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si’ rasmi ah xariga uga jaray dhismayaal cusub oo Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

19- Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa cambaareysay colaadii uu dhowaan magaalada Beled Xaawo ka huriyay Axmed Maxamed Islaam.

20- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan soo dhaweyn iyo kala warqaadasho ah la qaatay Mr .Hideki Matsunaga oo ah Maamulaha cusub ee Xafiiska Bangiga Adduunka Soomaaliya

21- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa warbixino ku saabsan xaladda amni ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka dhageystay saraakiisha booliska amniga ee maamulka.

22- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isuga jirta Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, oo ka qayb-galay munaasabad lagu soo bandhigay fursadaha ballaaran ee ka jira kalluumeysiga dalka.

23- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ka qaadanayeen dowlad-dhiska soddonkii sano ee la soo dhaafay.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali– Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Ergooyinka ee Dhameystirka Dhismaha Dowlad Goboleedka SSC.

25- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho kasoo yeertay ganacsatada suuqa, oo ku aaddanayd shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.

26- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed.

27- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Sheekh Mukhtar Roobow Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda DIYANET-ka ee Dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Diinta.

28- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Ahmed Moallim Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Yaşar Güler, ayaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiiska wax-ka-beddelka habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal.

29- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sannadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee EASF, oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

30- Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/Sare. Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa magalaada Amaan ee dalka Urdun uga qeyb-galey shir looga hadlaayay dagaalanka socdaalka sharcidarada, dembiyada tahriibinta iyo sidii laamaha dembi baaristu ugu hortagi lahaayeen.

31- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa si hab maamuus sare leh u sagootiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jasiiradda Komoros, Mudane Yousoufa Mohamed Ali.

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

33- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta argagixisada ah ka wada qeybo ka mid ah dalka.

34- Guddiga Qaran ee Ka-Hortagga Lacag Dhaqidda iyo La Dagaalanka Maalgalinta Argagaxisadda ayaa yeeshay kulan looga dooday sidii loo dardar gelin lahaa la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

35- Taliyaha Ciidanka Badda iyo DIfaaca Xeebaha ee Soomaaliya S/Guuto Cabdiwahaab Cumar oo dalka Turkiga kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Turkiga, Admiral Ercument Tatliouglu.

36- War bayaan oo kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ay hay’addu ay baaris ku heyso hantida iyo dhaqaqaaqyada maaliyadeed ee argagaxisada.

37- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo deeganka Dhanaane ee gobalka Shabeellaha ka fuliyay hawlgallo qorsheysan ayaa lagu burburiyey guriga ay khawaarijta u adeegsan jireen keydinta waxyaabaha qarxa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dekadda Muqdisho iyo Berbara oo loo aqoonsaday dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika Sanadkii 2024

Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku faraxsantahay inay ku…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

In ka badan 10 tirsan Khawaarijta oo lagu dilay deegaanka Qeycad ee Gobolka Mudug

Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo Dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay fariisimo ay Khawaarijtu ku…

GudahaWararka
February 14, 2023

Dowladda Soomaaliya oo agab ciidan kala wareegtay Dowladda Maraykanka

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Gaashaandhigga xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta agab taageero ciidan kala wareegtay Safiirka dowladda Maraykanka Danjire Richard Riley,agabkan Ciidan ayaa…

GudahaWararka
May 8, 2025

Guddiyada doorashada oo la kulmay golaha degaanka Galkacyo+Sawirro

Gaalkacyo-(SONNA)-Guddiga doorashada Galmudug oo ay wehliyaan xubno ka mid ah guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta la kulmay maamulka gobolka,…

GudahaWararka
October 20, 2021

Guddoomiye kuxigeenka 2-Aad ee golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzaniya

Dar es Salaam(SONNA):- Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi Xildhibaano…

GudahaWararka
May 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023