Muqdisho,( SONNA):- Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Baarlamaanka Turkiye Xildhibaan Qaali Cali Shire oo ka qeyb gashay daahfurka tartanka hal-abuurka ee HACK4Somalia 2025 ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhiirrigelisay inay ka qayb qaataan tartankan hal-abuurka ah.
Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa sheegtay in tartankan uu yahay fursad qiimo badan leh oo ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku horumarin karaan hal-abuurkooda, isla markaana ay ku soo bandhigi karaan fikrado cusub oo casri ah oo wax ka beddeli kara caqabadaha taagan, waxayna sheegtay in dhalinyarada ay yihiin laf-dhabarta bulshada, loogana baahanyahay inay noqdaan hormuudka xal u helidda dhibaatooyinka jira.
Guddoomiyaha Guddiga saaxiibtinimadda ee Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Turkiye ayaa ayaa u mahadcelisay Safaaradda Turkiye ee Soomaaliya oo tartankan soo qaban qaabisay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska, kor u qaadida aqoonta iyo sidoo kale taageeridda barnaamijyada hal-abuurka ku saleysan sida HACK4Somalia.