Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Shiinaha oo ka Wadahadley Xoojinta Dhaqanka iyo Warbaahinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Shiinaha oo ka Wadahadley Xoojinta Dhaqanka iyo Warbaahinta
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha Shiinaha oo ka Wadahadley Xoojinta Dhaqanka iyo Warbaahinta

By Abdulkadir
Last updated: July 14, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqanka iyo warbaahinta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonista sii ballaarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ugu horeyn si wadajir ah u kormeeray Keydka Codadka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda keydka ay ka dhageysteen khubarada Keydka Qaranka iyo qorshaha Wasaaradda ee casriyeynta keydka (digitalization).

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kadib waxay booqdeen Xarunta Golaha Murtida iyo Madaddaalada, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa sii diiran u soo dhoweeyay Hoballada Qaranka ee Waaberi, oo uu horkacayay Maareeye Ku-Xigeenka ahna Ku-Simaha Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madaddaalada Qaranka Mudane Maki Xaaji Banaadir.

Booqashada Xarunta Tiyaatarka ayaa la xiriirtay qorshe la doonayo in dib u habeen casri ah lagu sameeyo xaruntan oo udub dhexaad u ah horumarinta suugaanta, dhaqanka, wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada.

Intii ay booqashadu socotay, Hoballada Waaberi ayaa soo bandhigay heeso luuqadaha Soomaaliga iyo Shiinaha ah ay ku sameeyeen, iyo ciyaaro dhaqameed.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa iyo taageerada joogtada ah ee Shiinaha, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Wasiirku waxa uu xusay in sanadkan la xusayo 65 sano oo xiriir saaxiibtinimo ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuuna yiri:

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhidibada u aasnaa tan iyo xornimadii. Waxaan si weyn u qadarinaynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helno Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta.”

‘’Booqashada Safiirka ee Golaha Murtida ee maanta waa mid calaamad u ah saaxiibtinimada ee labada dal iyo xiriirka muddada dheer soo jiray’’ ayuu yiri Wasiirka.

Safiirka Shiinaha danjire Wang Yu ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Golaha Murtida Qaranka iyo bandhigga ay sameeyeen Hoballada Waaberi.

Safiirka ayaa intaa ku darey in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta, isla markaana uu u arko in Golaha Murtida uu yahay astaan dhaqan oo heer qaran ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka Shiinaha ku maamuusay laba sawir-gacmeed oo ay soo diyaariyeen Qeybta Farshaxanka Waaberi, mid ka mid ahna uu yahay sawir gacmeedka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo China oo ka tarjumaya kulankii ugu dambeeyay ee labada Madaxweyne ee ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda China.

Wasiirka waxa kulanka iyo booqashada ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Istaraatiijiyadda Warbaahinta, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Mudane Maxamedkafi Sheekh Abukar.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caddaalada XFS oo la kulmay dhalinyarada iyo odayaasha Waajid

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Caddaalada XFS ayaa degmada Waajid wuxuu ku kulmiyey dhalinyarada degmadasi si uu oga xogwaraysto xaaladaha ay ku sugan yihiin…

GudahaWararka
June 22, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh’’ Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad’’

Daarusalaam,(SONNA):-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada…

GudahaWararka
February 8, 2025

Ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan khawaarijta oo lagu dilay hawgalladii maanta

Muqdisho 19 July 2023: Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo…

GudahaWararka
July 19, 2023

Guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka oo caawa kulan ku yeeshay Muqdisho+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caawa Kulankooda Labaad ee Kalfadhiga 7-aad ku yeeshay Xarunta Guddiyada iyo Guddoonka…

Wararka
August 10, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023