Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco ee gobolka Shabeellada hoose ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan , kaas oo lagu dilay horjooge ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab.
Horjoogaha la dilay ayaa magaciisu ahaa Muxumed Axmed Guure, oo Khawaarijta ay u taqaanay Xamse Faracadde.
Ninkan ayaa ahaa horjooge khatar ah oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, wuxuuna ahaa taliye u qaabilsan kooxdaas gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Xamse Faracadde ayaa sidoo kale horey usoo noqday madaxa qaraxyada ee gobollada Mudug iyo Galgaduud, isagoo door weyn ku lahaa abaabulka iyo fulinta falal argagixiso oo lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi.