Addis Ababa-(SONNA)-Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika AUC Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta weyn ee 1da Luulyo, taas oo ku asteysan xornimada gobollada koofureed iyo midowgii labada gobol.
Guddoomiyaha ayaa ayaa sheegay in maalinta xorriyadda ay tahay mid astaan u ah midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Mudane Yuusuf ayaa sheegay in maanta ay ku suntan tahay halganka adkeysiga iyo go’aan qaadashada shacabka Soomaaliyeed, taas oo ugu dambayn keentay in ay 1-dii July 1960-kii helaan madax-banaani, karaamo is-xilqaan iyo aayo ka tashi.
Dhinaca kale, howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in xuska madax-bannaanida ay Soomaaliya siinayso fursad lagu milicsado laguna xuso guulihii baaxadda lahaa ee ay Soomaaliya ka gaartay raadinta nabad iyo xasillooni waarta.
AUSSOM ayaa mar kale xaqiijisay in ay taageersan tahay dadaallada nabadda iyo xasilinta ee Soomaaliya, iyadoo xustay in adkeysiga Soomaaliya iyo go’aan qaadashada joogtada ah ay weli tahay mid horseed u ah horumarka iyo barwaaqada dalka oo sii socota.