Tripoli (SONNA): Intii uu socday Shirka Labaad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmednuur Sheekh Maxamed, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Liibiya, Mudane Cabdulxamiid Al-Dubeyba.
Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin: Xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Liibiya ee dhinacyada socdaalka iyo maaraynta arrimaha tahriibka; Kobcinta karaanka shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan tababarrada iyo barnaamijyada horumarinta xirfadaha ee qaybaha dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay; Ballaarinta fursadaha deeqaha waxbarasho ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay wax ku bartaan gudaha iyo dibadda Liibiya; iyo kor u qaadidda xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo iskaashi miro dhal ah oo Carbeed.
Mudane Axmed-nuur Sheekh Maxamed ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha iyo dowladda Liibiya soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya inay sii xoojiso xiriirka walaaltinimo ee labada dal.