Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo si rasmi ah hirgelisay nidaamka PISCES
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo si rasmi ah hirgelisay nidaamka PISCES
GudahaWararka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo si rasmi ah hirgelisay nidaamka PISCES

By Abdulkadir
Last updated: June 29, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System), kaas oo hadda si buuxda uga hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Hirgelinta nidaamkan ayaa la socda tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan waaxyaha kala duwan ee hay’adda, si loo xoojiyo xirfadooda la xiriirta adeegsiga nidaamka iyo sugidda amniga xuduudaha dalka.

Munaasabadda xiritaanka tababarka iyo daahfurka nidaamka cusub oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, wakiillo ka socday Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Mr. Bob, iyo saraakiil ka socday hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa caalamiga ah sida Interpol.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in nidaamka PISCES uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono sugidda amniga qaranka. Wasiirka ayaa dhiirrigeliyay in saraakiisha tababarka dhammeystay ay si hufan uga faa’iideeyaan aqoonta ay barteen.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa tilmaamay in nidaamkan uu yahay tallaabo weyn oo lagu hormarinayo maamulka socdaalka iyo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah, taasoo lagu gaari karo adeegyo degdeg ah oo ammaan ah.

Sidoo kale, wakiilka Mareykanka, Mr. Bob, ayaa sheegay in taageerada ay siiyeen hirgelinta PISCES ay ka tarjumayso iskaashi qoto dheer oo u dhexeeya labada dal, isagoo muujiyay kalsoonida ay Dowladda Mareykanku ku qabto dadaalka Soomaaliya ee dhinaca amniga.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo Qaramada Midoobey ay u qorshaysay Soomaaliya+Sawirro

New York-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha…

Wararka
September 26, 2019

Taliyaha ciidanka Sudan oo gaaray xadka Itoobiya

Muqdisho (SONNA)-Taliyaha ciidanka Sudan Lt Gen Maxamed Cusman Al-Xuseen ayaa maanta gaaray xuduudka Sudan ay Itoobiya la leedahay. Saxaafada Sudaan…

Wararka
January 13, 2021

Sweden oo danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden…

GudahaWararka
September 27, 2023

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sh, Cali Dhuxuloow, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda…

GudahaWararka
February 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023