Muqdisho (SONNA): Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa soo saaray amarro la xiriira nidaamka iyo amniga maalmaha xorriyadda, kuwaas oo shacabka looga digayo inay sameeyaan falal amniga dhaawacaya.
Gaashaanle sare Mahdi Cumar taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa ciidanka iyo shacabka uga digay inay xabado ridaan waqtiga calan-saarka, taas oo keeni karta qasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed
Waxa uu sheegay in dhowaan dad loo xiray rasaas ay rideen oo dad dhaawacday, xilli ay muuqaalo baraha bulshada isaga duubayeen, taas oo ah fal maxkamad lagu muteysan karo.