Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Wasaaradda gaadiidka oo adeegyada guud ee dowladda ku xireysa kaarka aqoonsiga Qaranka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda gaadiidka oo adeegyada guud ee dowladda ku xireysa kaarka aqoonsiga Qaranka
GudahaWararka

Wasaaradda gaadiidka oo adeegyada guud ee dowladda ku xireysa kaarka aqoonsiga Qaranka

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 24, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay in ay adeegsadaan Kaarka aqoonsiga Qaranka ee helidda adeegyada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka.

Wasaaraddu iyadoo ka duuleysa go’aankii ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 7-dii Abriil 2025, oo lagu meel mariyey “dhaqan-gelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku xirka adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha”, waxa ay ku wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed arrimo muhiim ah.

Shirkaasi wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in dhammaan adeegyada guud ee Dowladda lagu xiro Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Wasaaradda, iyadoo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee tixraaciisu yahay XRW/415/04/2025, kana soo baxay 21-ka Abriil 2025, kaas oo loogu talagalay “taabbo-gelinta isku-xirka adeegyada iyo nidaamka hubinta Aqoonsiga Qaranka”, iyadoo sidoo kalena tixraacaysa:

Xeerka KMG ah ee Gaadiidka Dhulka, lambarkiisu yahay JS-XM/D016/07/2007, soobaxay 5-ta Luulyo 2007, Xeer Lambar 15 ee soo baxay 1-da Janaayo 1971, ayaa hadda lagu dabaqayaa dhammaan adeegyada ay bixiso Wasaaraddu.

Wasaaraddu waxa ay bulshada ku wargelinaysaa in dhammaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA.

Waxaa Kaarka Aqoonsiga looga baahanyahay dhinacyada hoos ku xusan:

– Xubnaha saamilayda shirkadaha gaadiidka dadweynaha;

– Qof kasta oo codsanaya ruqsadda darawalnimo ama cusboonaysiinteeda;

– Qofka doonaya is-diiwaangelin ama wax-ka-beddel lahaanshaha gaadiidka;
– Qof kasta oo doonaya in uu helo rukhsado kale oo la xiriira gaadiidka.

Tallaabadan waxa ay qayb ka tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Dowladda ay meel marisay bishii Maarso 2025, iyadoo lagu doonayo adeeg hufan, horumarinta dhaqaalaha, yareynta khiyaanooyinka la xiriira aqoonsiga, iyo kor u qaadidda kalsoonida shacabka.

Wasaaradda waxa ay bulshada ku dhiirrigelinaysaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loogu adeego si hufan, degdeg ah, loogana qayb qaato koboca dhaqaalaha iyo adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare Xamse oo dhibaatooyinka isbeddelka cimiladda kala hadlay Agaasimaha la Qabsiga Cimilada ee IGAD

MUQDISHO-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Xarunta la Qabsiga Cimilada iyo…

GudahaSiyaasaddaWararka
December 13, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay xiriirka labo geesoodka iyo xaaladaha gobolka “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay Caasimadda…

GudahaWararka
May 26, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray kulanka ansaxinta miisaaniyadda sanadka 2025

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta daahfuray kulanka ansaxinta miisaaniyadda sanadka 2025 oo…

GudahaWararka
December 30, 2024

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo xukun ku ridday nin ka tirsanaa khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta 10 sano oo xabsi ah ku ridday Yuusuf Xasan Ibraahim oo 42 jir ah,…

GudahaWararka
July 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023