Muqdisho(SONNA):-Shirka golaha wadatashiga qaran oo hore madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku u mudeeyey inuu qabsoomo 22-ka bishan ayaa dib loo dhigay sabab la xiriirta xuska maalmaha xoriyadda.
” Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah.”
Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa looga hadlayaa dhamasytirka dastuurka,qabsoomida doorashooyinka heer qaran iyo heer deegaan.