Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir dekedaha XFS oo kulan la qaatay Wasiirka gaadiidka iyo Kaabayaasha Türkiga
    December 4, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray ee shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed
    December 4, 2025
    wasiirka caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Indonesia u fadhiya Muqdisho
    December 4, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaatay Culimada Soomaaliyeed
    December 4, 2025
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda : “Soomaaliya waa dhaqaaqday, wadadii horumarka iyo barwaaqada ayeeyna cagta saartay”
    December 4, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Filimkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Dalka Shiinaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Filimkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Dalka Shiinaha
GudahaWararka

Filimkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Dalka Shiinaha

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 15, 2025
3 Min Read
Share

Changsha,(SONNA):- Magaalada Changsha ee dalka Shiinaha waxaa lagu qabtay dhacdo taariikhi ah oo farxad iyo xusuus gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed, kadib markii markii ugu horreysay filim Soomaali ah si rasmi ah looga daawado tiyaatar ka mid ah kuwa ugu waa weyn ee Shiinaha.

Filimka la daawaday wuxuu ahaa The Gravedigger’s Wife oo uu sameeyay Khadar Aydarus Ahmed, waana filim xambaarsan sheeko jacayl, sabir iyo naf-hurnimo ah, oo si qiiro leh uga hadlaya nolosha qoys Soomaaliyeed oo la tacaalaya duruufo adag. Filimkan ayaa qeyb ka ahaa barnaamijka Todobaadka Filimada Afrika iyo Shiinaha oo sanadkan lagu qabtay magaalada Changsha.

Bandhigga ayaa noqday mid si weyn loogu dheg taagay, iyadoo hoolka tiyaatarka uu ka buuxsamay daawadayaal Shiine ah, gaar ahaan dhalinyaro, kuwaasoo si kal iyo laab ah ula socday filimka oo af-Soomaali ku baxayay. Dadkii daawanayay waxay muujiyeen faham iyo xiise dhab ah oo ay u qabaan dhaqanka Soomaaliyeed iyo sheekooyinka nolosha dhabta ah ee laga soo tebiyo Bariga Afrika.

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa door muuqda ka qaadatay hirgelinta iyo fududeynta in filimkani, iyo laba filim oo Soomali ah oo kale, The Night Thief, iyo Will My Parents Come to See Me, ay ka mid noqdeen bandhigga, waxaana munaasabadda si rasmi ah uga qeyb gashay Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo si kalgacal leh ula qabsatay daawadayaasha, kana jawaabtay su’aalo ay weydiinayeen kadib daawashada filimka.

Danjiraha ayaa sidoo kale u mahadcelisay guddiga qabanqaabada China-Africa Film Week iyo Abdirahman Fiili, kaasoo dadaal weyn geliyay in filimada Soomaaliyeed la gaarsiiyo tiyaatarada Shiinaha, una arkay fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo xiriirka labada dal ee dhinaca dhaqanka.

“Waa maalin aan ilaawi doonin. Markaan arkay dhalinyaro Shiine ah oo dhegaysana afkeenna una ilmaynaya sheeko Soomaali ah, waxaan dareemay in dhaqanka iyo filimku uu yahay buundo dhab ah oo dalal kala fog isku keeni kara,” ayay tiri Danjire Hodan.

Safaaradda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageeridda dadaallada noocan oo kale ah si dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed loogu soo bandhigo meelo ka baxsan xuduudaha dalka, ayna sare u qaaddo is-fahamka iyo xiriirka bulsho ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiir dekedaha XFS oo kulan la qaatay Wasiirka gaadiidka iyo Kaabayaasha Türkiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta magaalada Ankara…

December 4, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay guddi ka shaqeynaya xariirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Turkiga

MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka…

GudahaWararka
January 9, 2023

Shir madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti

Muqdisho(SONNA):-Shirka madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti. Shir madaxeedka Meertada 14-aad ee Urur goboleedka IGAD oo sannadkan diirradda lagu…

GudahaWararka
June 12, 2023

Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah

Cumaan(SONNA):-asiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa is afgarad (MoU)…

GanacsigaGudahaWararka
May 23, 2024

Dugsi 70 sano Qur’aan-ka Kariimka lagu baran jiray oo khawaarijta xirtay (Warbixin)

Muqdihso-(SONNA):- Khawaarijta Arxanka daran ee Al-shabaab ee ku soo duushay dalkeena balse haatan uu dabar go’a ku socdo kadib 15…

GudahaWararka
December 27, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023