Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: War-Saxaafadeed: Wasaaradda Batroolka oo si rasmi ah shaacinaysa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War-Saxaafadeed: Wasaaradda Batroolka oo si rasmi ah shaacinaysa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka
GudahaWararka

War-Saxaafadeed: Wasaaradda Batroolka oo si rasmi ah shaacinaysa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka

By Abdulkadir
Last updated: June 15, 2025
2 Min Read
Share

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho,(SONNA):-Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaadka wajiga hore ee sahminta shidaalka iyo macdanta ee lagu sameeyay qaar kamid ah xeebaha badda Soomaaliya taas oo lagu xaqiijiyay in khayraadkaas looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed, iyada oo gudanaysa xilka sharci, kuna shaqaynaysa siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay heshiisyo wax soo saar wadaag ah la gashay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) taas oo baaritaan iyo sahamin shidaal ka billawday badda Soomaaliya 21-dii Oktoobar 2024 iyadoo baaritaan kaas uu fuliyey markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel.

Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Juun 2025 si rasmi ah u shaacinaysaa dhammaaday wajigii koowaad ee sahminta shidaalka ee ay wadeen Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO). Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed la soo wadaagi doontaa natiijada xigta oo la aruuriyey marka ugu horeysa ee xog sax ah soo baxdo.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS waxay uga mahadcelinaysaa dhigeeda Wasaaradda Tamarta ee Turkiga wada shaqaynta iyo is-kaashi wanaagga ee u dhexeeya labada Wasaaradood ka oo fududeeyey in wax sahamin u qabsanomd sidii loo ogaan lahaa muddadii ay socotay hawlaha baarista iyo sahminta shidaalka.

Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre kaalintoodii hoggaamineed ee la addin soo saarta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka shidaalka dalka.

Ugu dambeyntii, Wasaaraddu waxay ugu bishaaraynaysaa Ummadda Soomaaliyeed in dalkennu uu socdo dhabbaha horumarka iyadoo la raacayo hufnaan iyo cadaalad.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Abdisalam Ali, ayaa maanta xafiiskiisa ku…

GudahaWararka
January 19, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Magaalada Beledweyne

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Gobeedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne…

GudahaWararka
February 7, 2022

Xildhibaan Xuseen Iidow “Waxaan xoogga saari doonnaa in dalku yeesho dastuur ay dadka Soomaaliyeed heshiis ku yihiin”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Xuseen Iidow, ayaa sheegay in Guddiga…

GudahaWararka
January 26, 2023

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo booqday xarunta jaamacadda Afrika ee dalkaasi+sawirro

(Khaartuum) Danjiraha J.F. Soomaaliya ee  dalka Suudan Amb Mohamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagagey Jaamacadda Caalamiga…

Wararka
August 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023