Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu
GudahaWararka

Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 1, 2025
4 Min Read
Share

Kisumu,(SONNA):-  Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle oo ay wehliyaan Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Cabdullahi Siyaat iyo u qaybsamaha arrimaha ciidanka ee Safaaradda Sareeye Gaas Maxamed Bariise ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Kisumu. Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi ah isla markaana looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Jaaliyadda iyo safaraadda, iyo sidii loogu fududeyn lahaa Jaaliyadda adeegyada ay u baahan yihiin.

Magaalada Kisumu oo ku taal galbeedka dalka Kenya, isla markaana uu maro wabijga ama harada weyn ee loo yaqaano Victoria ayaa ah Caasimadda Ismaamulka Gobolka Kisumu, waana magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Kenya. Kisumu ayaa sidoo kale ah caasimadii hore ee Gobolka Nyanza.

Magaalada Kisumu waxaa ku ganacsada Soomaali degaan ka dhigatay halkaas muddo haatan laga joogo100 sano, inkasta oo dadka Soomaalida ee ugu badan ee ku dhaqan magaaladaas ay yimaadeen Magaalada Kisumu horaantii 1990-kii.

Laga soo bilaabo xiligaas waxaa degaankaas ay soo dhaweysay oo ay marti galisay Soomaali aad u badan. Dadka Soomaaliyeed ayaa sanadkii 1996 ka dhisay Magaalada Kisumu suuqii ugu horeeyay oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Suuqa Soomaalida ayaa ah mid ay ka duukeeystaan dadka ku nool gobolka ismaamulka Kizumu. Waxaa sidoo kale suuqa aad u isticmaalo gobolada ku xeendaaban gobolka Kizumu.

Dadka Soomaaliyeed ayaa sameeyo ganacsiga la isaga gudbo dalalka Uganda iyo Kenya. Waxa ay Magaalada Kisumu iyo nawaaxigeeda ku leeyihiin in ka badan 30 Kaalimo Shidaal ah.

Ganacsatada Soomaalida ayaa ah kuwa xushmo iyo Sharaf ku haysta Magaalada Kisumu, iyaga oo shaqaaleysiiyay kumanaan Kenyaan ah.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Maxamuud Maxamed Hiish oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo mas’uul Soomaaloyeed oo ka socda Dowlad Soomaaliyeed uu soo booqda dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kizumu.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadashay Xildhibaan Soomaaliyeed oo laga soo doorto golaha deegaanka Kisumu, Marwa Farxiya Ciid, iyada oo amaantay hogaanka Jaaliyadda midnimada iyo wada shaqeeynta ka dhaxeeysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kisumu.

Waxaa kalmad soo dhaweyn iyo dardaaran isugu jirta ka jeediyay kulanka Ganacsade Yuusuf Cabdi Madaale oo ka mida aas-aasayaasha Jaaliyada Soomaaliya ee Kisumu.

Jaaliyada ayaa u sheegtay Danjire Jabriil inay jiraan dhibaatooyin la soo darsa dad tahriibayaal oo ka soo gudbo xadka Uganda iyo Kenya, iyaga oo aanan haysan waraaqaha aqoonsiga ama visaha dal galka kuwaas oo Mararka qaar ku raaga xabsiyada. Danjire Jabriil ayaa balan qaaday in arintaan uu kala hadli doono madaxda gobolka iyo tan dowlada Dhexe intuba.

Danjire Jabriil ayaa warbixin buuxda ka siiyay Jaaliyadda Horumarka uu dalka Soomaaliya sameeyay iyo guud ahaan xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaana la isla gartay in Jaaliyadda iyo Safaaradda sy ka wada shaqeeyaan danaha dadka Soomaaliyeed.

“Runtii sharaf ayaa ku leedihiin Gobalkan, waana waxa aad kasbateen, Safaaraddu waxa ay diyaar idinla tahay inay idinka caawiso waxkasta oo aad uga baahataan”.ayuu yiri Danjire Jabril.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ciraaq

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo…

GudahaWararka
February 26, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey wax-qabadka xukuumadda Dan-qaran

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee…

GudahaWararka
September 18, 2025

Kulan ku saabsanaa dhab uheshiisiInta heer dowlad gobaleed oo lagu qabtay Jowhar+Sawirro

Jowhar-(SONNA)-Wasaaradda arrimaha gudaha XFS ayaa magaalada Jowhar kusoo gaba-gabeysay kulan wada tashi ah oo lagu diyaarinayo qorshaha hannaanka dhab uheshiisinta…

GudahaWararka
September 30, 2021

Soomaaliya iyo Denmark oo kala saxiixday heshiis deyn looga cafiyey Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen…

GudahaWararka
November 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023