Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu
GudahaWararka

Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 1, 2025
4 Min Read
Share

Kisumu,(SONNA):-  Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle oo ay wehliyaan Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Cabdullahi Siyaat iyo u qaybsamaha arrimaha ciidanka ee Safaaradda Sareeye Gaas Maxamed Bariise ayaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Kisumu. Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi ah isla markaana looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Jaaliyadda iyo safaraadda, iyo sidii loogu fududeyn lahaa Jaaliyadda adeegyada ay u baahan yihiin.

Magaalada Kisumu oo ku taal galbeedka dalka Kenya, isla markaana uu maro wabijga ama harada weyn ee loo yaqaano Victoria ayaa ah Caasimadda Ismaamulka Gobolka Kisumu, waana magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Kenya. Kisumu ayaa sidoo kale ah caasimadii hore ee Gobolka Nyanza.

Magaalada Kisumu waxaa ku ganacsada Soomaali degaan ka dhigatay halkaas muddo haatan laga joogo100 sano, inkasta oo dadka Soomaalida ee ugu badan ee ku dhaqan magaaladaas ay yimaadeen Magaalada Kisumu horaantii 1990-kii.

Laga soo bilaabo xiligaas waxaa degaankaas ay soo dhaweysay oo ay marti galisay Soomaali aad u badan. Dadka Soomaaliyeed ayaa sanadkii 1996 ka dhisay Magaalada Kisumu suuqii ugu horeeyay oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Suuqa Soomaalida ayaa ah mid ay ka duukeeystaan dadka ku nool gobolka ismaamulka Kizumu. Waxaa sidoo kale suuqa aad u isticmaalo gobolada ku xeendaaban gobolka Kizumu.

Dadka Soomaaliyeed ayaa sameeyo ganacsiga la isaga gudbo dalalka Uganda iyo Kenya. Waxa ay Magaalada Kisumu iyo nawaaxigeeda ku leeyihiin in ka badan 30 Kaalimo Shidaal ah.

Ganacsatada Soomaalida ayaa ah kuwa xushmo iyo Sharaf ku haysta Magaalada Kisumu, iyaga oo shaqaaleysiiyay kumanaan Kenyaan ah.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Maxamuud Maxamed Hiish oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo mas’uul Soomaaloyeed oo ka socda Dowlad Soomaaliyeed uu soo booqda dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kizumu.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadashay Xildhibaan Soomaaliyeed oo laga soo doorto golaha deegaanka Kisumu, Marwa Farxiya Ciid, iyada oo amaantay hogaanka Jaaliyadda midnimada iyo wada shaqeeynta ka dhaxeeysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kisumu.

Waxaa kalmad soo dhaweyn iyo dardaaran isugu jirta ka jeediyay kulanka Ganacsade Yuusuf Cabdi Madaale oo ka mida aas-aasayaasha Jaaliyada Soomaaliya ee Kisumu.

Jaaliyada ayaa u sheegtay Danjire Jabriil inay jiraan dhibaatooyin la soo darsa dad tahriibayaal oo ka soo gudbo xadka Uganda iyo Kenya, iyaga oo aanan haysan waraaqaha aqoonsiga ama visaha dal galka kuwaas oo Mararka qaar ku raaga xabsiyada. Danjire Jabriil ayaa balan qaaday in arintaan uu kala hadli doono madaxda gobolka iyo tan dowlada Dhexe intuba.

Danjire Jabriil ayaa warbixin buuxda ka siiyay Jaaliyadda Horumarka uu dalka Soomaaliya sameeyay iyo guud ahaan xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaana la isla gartay in Jaaliyadda iyo Safaaradda sy ka wada shaqeeyaan danaha dadka Soomaaliyeed.

“Runtii sharaf ayaa ku leedihiin Gobalkan, waana waxa aad kasbateen, Safaaraddu waxa ay diyaar idinla tahay inay idinka caawiso waxkasta oo aad uga baahataan”.ayuu yiri Danjire Jabril.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Wakiilka Haya’adda IOM ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada…

GudahaWararka
May 22, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo aaladda fogaan aragga uga qeybgalay shirka Wasiirada Maaliyadda Afrika

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka Wasiirada…

GudahaWararka
October 14, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku faah-fahiyay cabashooyin maalmahan ka tagnaa Caasimadda

Muqdiaho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose…

GudahaWararka
August 6, 2023

Madaxweynaha Hirshabeele oo Jowhar ka furtay shir dib u heshiisiin ah

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Jowhar ka furay shir dib u heshiisiineyd oo loo qabtay labo beelood oo wada…

Wararka
December 31, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023