Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hay’adda SoDMA oo muqdisho kusoo gabagabeysay shir looga hadlayay horumarinta maaraynta masiibooyinka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda SoDMA oo muqdisho kusoo gabagabeysay shir looga hadlayay horumarinta maaraynta masiibooyinka
GudahaWararka

Hay’adda SoDMA oo muqdisho kusoo gabagabeysay shir looga hadlayay horumarinta maaraynta masiibooyinka

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 28, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa muqdisho kusoo gabagabaysay shir wada-tashi ahaa oo laba cisho ka socday muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgala wasaaradaha u qaabbilsan gargaarka iyo maareynta masiibooyinka maamul-goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan oo looga hadlay horumarinta iskaashiga hay’adaha mas’uulka ka ah arrimaha bini’aadantinimo iyo maaraynta masiibooyinka ayaa waxaa lagu falanqeeyay qorsheyaasha istiraatiijiga ah ee shanta sano ee soo socota, kuwaas oo lagu hagayo dedaallada ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dalka.

Lataliyaha Sare ee SoDMA, Maxamed Mukhtaar, ayaa soo jeediyay warbixin qoto dheer oo ku saabsan hannaanka qorsheynta iyo hormarinta wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed.

Maxamed Mukhtaar, ayaa sidoo kale iftiimiyay mudnaanta la siinayo diyaarinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadam sameega ah.

Mas’uuliyiinta ka kala socday maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa iyaguna soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda bini’aadantinimo ee gobolladooda, iyaga oo si furan uga hadlay caqabadaha haysta adeegyada gurmadka degdegga ah, isgaarsiinta iyo isku-duwidda howlaha la xiriira maaraynta masiibooyinka.

Shirka ayaa si rasmi ah waxaa u soo xiray madaxa horumarinta mashaariicda ee SoDMA, Dr. Ismaaciil Jimcaale, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida hagar la’aanta ah ee ay uga qeyb qaateen kulankan muhiimka ah.

Dr. Jimcaale ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhab ah oo u dhexeysa dhammaan hay’adaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed si loo xaqiijiyo badbaado iyo horumar waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo booqday xarunta taliska Booliska Ethiopia.

Addis Ababa (SONNA): Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub Axmed Firin iyo wafdi saraakiil Boliis ah oo uu hoggaaminayo…

GudahaWararka
May 30, 2023

Saraakiil ka socda Mareykanka oo booqday Taliska Ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed

Muqdisho, (SONNA): Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Bashiir Cabdiqaasim, ayaa maanta xarunta Taliska ku soo dhaweeyay saraakiil…

GudahaWararka
November 1, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray hindisaha horumarinta “Muqdishada Cusub”

Muqdisho, (SONNA):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayay hindisaha horumarinta “Muqdishada Cusub,”…

GudahaWararka
December 19, 2024

Qaramada Midoobay oo ka hadashay dhaqaalaha Africa iyo saameynta  cudurka covid-19

Saameeynta COVID-19 ee Afrika oo ay dalalka qaaradda si dhaqso leh kaga jawaabeen dhibaatada Cudurkaan ayaa waxaa haatan lagu soo…

Wararka
May 25, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023