Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa caawa furay shirka la-tashiga bulshada kasoo jeedda deegaannada Somaliland ee arrimaha dastuurka.
Wasiirka oo bidhaamiyay muhiimadda dastuurka ayaa sheegay in dastuurka la dhammeystiri karin iyada oo qeyb kamid ah dalka ay maqan tahay, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la isku yimaado, lana helo heshiis qaran oo saldhig u noqda dowladnimo loo dhan yahay.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in kacaankii 1969 uu meel iska dhigay dastuurka, taasina laga dhaxlay burbur, haddana baahi degdeg ah loo qabo in dastuurka kumeelgaarka ah la dhameystiro.