Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga
    July 23, 2025
    Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Hiiraan ka socda
    July 23, 2025
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Gashaanle dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo Muqdisho lagu aasay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Gashaanle dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo Muqdisho lagu aasay
GudahaWararka

Gashaanle dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo Muqdisho lagu aasay

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 21, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladdaย ayaa maanta ka qeyb galay aaska Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale, Taliyihii Guutada 26aad ee Cali Bin Abii Daalib ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday Taliye Xujaale gudaha Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo sidoo kale salaad janaaso qaaโ€™ib ah loo tukaday dhammaan shuhadada Ciidanka Xooga iyo Xoogaga Macawisleyda ee ku naf waayay dagaalka lagu ilaalinayo sharafta iyo karaamada Soomaaliyeed.

Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale wuxuu muddo dheer ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo noloshiisa iyo awooddiisa u hibeeyay difaaca Qaranka. Wuxuu ahaa taliye ku tilmaaman geesinimo, daacadnimo, iyo hoggaan toosan oo aan marna ka leexan safka hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyska marxuumka, ehelada dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ee uu ka geeriyooday Gashaanle Dhexe Xujaale.

Geeridiisu waxay dhiirigelin iyo awood dheeraad ah u tahay xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta, kooxahaas oo maalmihii la soo dhaafay wajahayay jab iyo guuldarrooyin culus.

Dadaalka socda waa dariiqa kaliya ee Ummadda Soomaaliyeed ku gaari karto sharaf, karaamo iyo nabad waarta.

Munaasabadda salaadda janaasada waxaa ka soo qeyb galay wasiirka gaashaandhigga mudane Axmed Macalin Fiqi, mudane Cali Shacbaan Ibraahim Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, mudane Cabdullahi Timacadde Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare, mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil โ€˜Fartaagโ€™ Wasiirka Amniga Gudaha, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Dhulka Sahal Cabdullahi Cumar, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senataro, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, iyo ehelada marxuumka.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka gaashaandhigga oo Istanbul uga qaybgalaya bandhigga qalabka Militariga

Istanbul (SONNA): Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga qeybgalaya Bandhigga Caalamiga ah…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay…

Wararka
October 26, 2020

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Wargaadhi

Wargaadhi (SONNA): Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa kormeer ku tagay deegaanka War-gaadhi ee gobolka Shabeellaha dhexe…

GudahaWararka
May 19, 2025

140โ€“muhaajirin ah oo ku dhintay biyaha badda ee Senegal

Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib markii Dooni ay la…

Wararka
October 30, 2020

Maxkamada gobolka Baay oo xukun dil ah ku fulisay laba nin oo hore dilal u geystay

Baydhabo(SONNA):-Maxkamadda gobolka Baay ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo hore dilal u geystay. Raggan ayaa lagu…

GudahaWararka
May 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023