Buulo-burte-(SONNA)-Ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Aboorreey oo hoos taga degmada Buuloburde, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan khawaarijta.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in labo jiho ay ka weerareen khawaarijta oo isku uruursanaysay aagga Aboorreey, isla markaana uu halkaas weli ka socda howlgalka baacsiga cadowga khawaarijta ah.
Faahfaahinta howlgalka Aboorreey oo dhameystran goordhow kala soco Warbaahinta Qaranka.