Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka qaybgashay s๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š s๐š๐ง๐š๐ ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š h๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐จ๐จ xalay ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ ๐€๐ฅ๐ ๐ž๐ซ๐ข๐š
    May 21, 2025
    Wasaaradda arrimaha dibadda Rwanda oo aqoonsiga ka guddoontay danjiraha Soomaaliya
    May 20, 2025
    Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada
    May 20, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
    Trump oo dhameystay socdaal uu ku tagay Sacuudi,Qadar iyo Imaaraadka
    May 16, 2025
    Wasiir Fiqi oo boogaadiyay howsha wax ku oolka ah ee ka socota Dugsiga Tababarka TURKSOM
    May 16, 2025
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladdaย oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda ooย casho sharafย  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
Reading: Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada
GudahaWararka

Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 20, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday shir wadatashi Qaran oo muhiim u ah ganacsiga dalka kaasoo dhexeeyay Wasiirka Ganacsiga XFS iyo Wasiiradda ganacsiga Dowlad-goboleedyada, Shirkan oo muddo laba maalmood ah kasocday Muqdisho diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa nidaamka sharciyeed ee diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga.

Waxaana shirka kasoo qeyb galay Wasiirrada Ganacsiga ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland.

Intii uu socday shirku, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dhisi lahaa hannaan sharci oo mideysan, kaas oo meesha ka saaraya jahawareerka ka dhashay kala-duwanaanta sharciyada dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Waxaa sidoo kale laga hadlay dhibaatooyinka ay ganacsatada la kulmaan, sida shuruucda kala duwan ee is-daba-yaaca ah, shatiyada fara badan ee laga qaado, iyo lacagaha aan nidaamka lahayn ee mararka qaar ku khasba ganacsatada inay bixiyaan si ay u helaan rukhsado ganacsi.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la gaaro hal sharci qaran oo dhammaan dalka laga hirgeliyo, taasoo wax ka qaban doonta is-buurashada hayโ€™adaha kala duwan ee bixiya shatiyada.

Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay ayaa ah in la hirgeliyo nidaam casri ah oo dijitaal ah (automatic system) oo si toos ah looga heli karo diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga dhammaan gobollada dalka.

Nidaamkan wuxuu meesha ka saaraya baahida uu ganacsaduhu u qabo inuu safar dheer ku yimaado Muqdisho si uu u helo laysanka ganacsiga.

Tani waxay si weyn u fududeyn doontaa howlaha ganacsatada, waxayna yarayn doontaa kharashaadka iyo waqti lumiska.

Waxaa kaloo shirka lagu muujiyay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan wadashaqeynta farsamo iyo siyaasadeed, si loo dhiso nidaam ganacsi oo hufan, kalsooni ku dhisan, loogana hortago wax isdaba-marinta, musuqmaasuqa iyo caqabadaha kale ee hor taagan horumarka dhaqaalaha dalka.

Shirka wuxuu horseeday faham iyo go’aan mideysan oo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa ansixinta hindisaha xeerka cusub ee diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta ganacsiga, iyadoo qorshuhu yahay in xeerkaasi la horgeeyo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Federaalka si uu u noqdo sharci rasmi ah oo dalka ka dhaqan gala.

Mid ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee laga gaaray shirkan ayaa ah heshiis rasmi ah oo dhex maray Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka iyo wasiirrada ganacsiga ee dowlad-goboleedyada, kuwaas oo si buuxda uga heshiiyay in laga fogaado khilaafka siyaasadeed iyo is-maandhaafka maamul ee muddooyinkii dambe caqabad ku ahaa horumarinta ganacsiga dalka. Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa caddeeyay in wadajirka iyo wadashaqeynta ay tahay furaha lagu gaari karo kobac dhaqaale iyo horumar waara. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yiri:

โ€œWasiirrada Ganacsiga dowlad-goboleedyada waxaan ku heshiinay in laga fogaado khilaafka oo laga wada shaqeeyo wixii dalka waxtar u leh, maadaama loo adeegayo dadka Soomaaliyeed.โ€

Dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxay muujiyeen in loo baahan yahay in ganacsatada Soomaaliyeed laga dulqaado culeysyada ay wajahayaan, lana siiyo jawi ganacsi oo hufan, xasilloon, una sahlaya inay horumariyaan ganacsigooda iyagoo aan la kulmin wax carqalado sharci ah ama maamul oo aysan u baahnayn.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya oo ka qaybgashay s๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š s๐š๐ง๐š๐ ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š h๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐จ๐จ xalay ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ ๐€๐ฅ๐ ๐ž๐ซ๐ข๐š

๐€๐ฅ๐ ๐ข๐ž๐ซ๐ฌ-๐€๐ฅ๐ ๐ž๐ซ๐ข๐š-(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan…

May 21, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Talaalka Covid 19 ee ay ku deeqday Dowladda China ayaa maanta lagu daahfuray Magaalada Muqdisho

Muqdisho.(SONNA):- Safiirka Waddanka China, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa si toos ah Maanta…

GudahaWararka
April 14, 2021

Guddiga farsamada dhismaha Galmudug oo ballan qaaday in hab caddaalad ah ay u shaqayn doonaan

Dhuusamareeb-(SONNA)-Guddiga farsamada dhismaha Galmudug oo Magaalada Dhuusamareeb loogu sameeyay munaasabad soo dhoweyn ah, ayaa ballan qaaday in ay si caddaalad…

Wararka
October 24, 2019

Ciidamada Qalabka Sida oo Hawlgalo lagu laayey Khawaarijta ka fuliyay Gobalka Galgaduud

Muqdisho(SONNA):- Ilaa 47 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo bartilmaameed ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo…

GudahaWararka
October 5, 2024

howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda deegaanno ka tirsan Gaalgaduud

Ciidanka xoogga dalka qeyb-27-aad ayaa howl-gal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaad Al-shaab kawada deegaanno ku dhow Bulacle oo woooyi…

Wararka
November 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023