Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba
GudahaWararka

Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba

By SB
Last updated: May 10, 2025
2 Min Read
Share

Hangzhou(SONNA):-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo ay wehlinayeen u qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya, Mudane Guuleed Warsame, ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday xarunta dhexe ee shirkadda caalamiga ah ee Alibaba Group ee magaalada Hangzhou.

Booqashadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ahayd dadaallada safaaradda ee lagu horumarinayo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray kobcinta ganacsiga, adeegyada tiknoolajiyadda casriga ah, iyo horumarinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Intii lagu jiray kulanka, Danjire Hodan waxay maamulka Alibaba la wadaagtay Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (National Transformation Plan) โ€“ oo ah aragti qaran oo cusub oo ku dhisan horumarka bulshada, dhaqaalaha, iyo adeegyada dadweynaha. Waxay hoosta ka xariiqday sida qorshahan loogu talagalay in uu xoojiyo isbeddel dijitaal ah, dhiirrigeliyo maalgashiga, iyo kor u qaadista kaabeyaasha ganacsiga iyo adeegyada casriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa si qoto dheer looga wada hadlay saddex meelood oo muhiim ah:

1. FinTech โ€“ sidii looga faaโ€™iideysan lahaa teknoolojiyadda si loo fududeeyo loona sugo hababka lacag-dirista ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha;

2. Logistics โ€“ doorka Soomaaliya ee istiraatiijiga ah si ay u noqoto xarun muhiim ah oo loogu adeego suuqyada kala duwan ee qaaradda Afrika;

3. Tababarka Dhallinyarada Soomaaliyeed โ€“ sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado lagu barayo xirfadaha Ganacsiga elektarooniga ah e-commerce si ay ugu helaan shaqooyin iyo fursado ganacsi oo casri ah.

Danjiraha ayaa u mahadcelisay maamulka sare ee Alibaba Group martigelintooda sharafta leh, soo dhaweynta diirran, iyo fahamka ay muujiyeen ee ku aaddan isbeddelka dhabta ah ee ka socda Soomaaliya. Waxayna ku dhiiri galisay Maamulka sare ee Ali-baaba in ay adeegyadaas horumarsan ee ganacsi gaarsiyaan Soomaaliya, si loo xoojiyo Wax isdhaafsiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane…

GudahaWararka
June 30, 2025

RW Xamse oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya u qaabilsan Geeska Afrika

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya…

GudahaWararka
April 20, 2024

Guddiga Doorashada Koofur Galbeed ee SEIT oo shaaciyay doorashada 5 kursi

Guddiga Doorashada Koofur Galbeed SEIT ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada 5 Kursi oo ku Asteysay Koofur Galbeed. Qoraalka guddiga ka soo…

GudahaWararka
January 22, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii 2-aad ku sugan furimaha dagaalka Khawaarijta

Wargaadhi (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka…

GudahaWararka
July 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023