Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
    May 9, 2025
    Wasiirro ka tirsan XFS oo maanta sagootiyay xujeey Soomaliyeed oo ku sii jeeda Dalka Sacuudiga
    May 9, 2025
     Soomaaliya iyo Qadar oo ku heshiiyay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada dalka
    May 9, 2025
    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka
    May 9, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir-guddoomiyay kulan fogaan arag oo uu la qaatay safiirrada, ergooyinka joogtada iyo Qunsulada guud 
    May 9, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
    Ingiriiska oo ku baaqay in la  qaado xayiraadda gargaarka ee Gaza
    May 2, 2025
    2-kun oo naftooda ku waayey dagaalka Gaza,kadib bishii March
    April 25, 2025
    Weerarada Israel oo sii socda & dhibanayaal badan oo u baahan daaweyn dhanka dibadda ah
    April 11, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed
GudahaWararka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo laga soo saaray War-murtiyeed

By Kanaava Mohamed
Last updated: May 7, 2025
5 Min Read
Share

War-murtiyeedkii ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka qabsoomay Muqdosho 6-7 May 2025

1. Hordhac

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho October 6-7 May 2025. Shirka o qayb ka ah shirarka wadatashiga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu hore ugu baaqay, waxaa ka soo qaybgalay Ra’lisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Hogaamiyaha Dowlad Gobaleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.

1. Warbixin

GWQ waxa uu warbixino faahfaahsan ka dhagaystay:

a. La-taliyaha Amniga Qaranka oo golaha uga waramay xaalada dagaalka lagula jirc argagixisada iyo qorshaha looga nadiifinayo goobaha ay dhawaanahan xasilooni darada ka wadeen.

b. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo si faahfaahsan uga waribixiyay habsami u-socodka diiwaangelinta cod bixiyaasha, iyo diyaargarowga guud ee ka billaabmay Gobolka Banadir.

2. Bogaadin:

a. GWQ waxa uu u hambalyeeyay geesiyada ciidamada qaranka iyo xoogaga difaac: bulshada guulaha ay ka gaareen la dagaalanka argagaxisada, sida oo kale waxaa uu bogaadiyay sida ay dawlada federaalka u maaraysay qaabdhismeeka iyo howsha shaqo ee Howl Galka Midowga Afrika ee AUSSOM.

b.Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey habsami u socodka howlaha diwaangalinta dadweynaha ee ka bilaabatay Gobolka Banaadir. Waxa uuna ku dhiirigaliyey inay gaarsiyaan degaanada dowlad goboleedyada dalka.

3. Go’aamada Shirka

GWQ waxa uu si goto-dheer u falanqeeyay xaaladaha amniga, siyaasadda, iyo bini aadanimo ee dalku ku suganyahay, wuxuuna ku heshiiyay qodobada soo socda:

1. Goluhu waxa uu isla qaatay inay lagama maarmaan tahay in laga wada qayb-qaato la dagaalanka argagixisada lana garab istaago ciidamada qaranka.

2. Goluhu waxa uu adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo hay’ adaha dastuuriga ah ee dalka taas 00 aas-aas u ah hanaanka dawaladnimo ee dadka Soomaaliyeed hiigsanayaan kuna qotoma dastuurka dalka.

3. Goluhu waxa uu isku raacay in maamul-goboleedyadu ay gudiga doorashada kala shaqeeyaan dardargelinta iyo baahinta diiwaangalinta dadwaynaha si loo hirgaliyo doorasho xor iyo xalaal ah.

4. Goluhu waxa uu soo dhaweeyay hannaanka xisbiyada badan ee Dalka kahirgalay, wuxuuna u hambalyeeyay xisbiyada is diiwaangeliyay, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay dhammaan kooxaha daneeya siyaasadda iney diiwaan gashadaan ururro siyaasadeed matala afkaartooda.

5. GWQ isaga oo ka duulaya baaqii madaxweynaha ee maalintii ciidda aheyd

(29 Maarso 2025), waxa uu isku raacay in Dawlada Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ay dardar galiyaan wadatashiga siyaasiyiinta iyo waxgaradka dalka si loogu midoobo la dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyadeynta iyo dib-u-dhiska dalka.

6. GWQ waxa uu isku raacay in wasaarada’Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ay keento talo iyo soo jeedin xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, si loo helo nidaam dawlad Goboleed oo sharci ah.

7. Goluhu waxa uu u isla aqoonsaday in SSC-Khaatumo ay tahay xubin ka mid ah dowladaha xubinta ka ah DFS, laguna soo dhammaystiro shirweynaha loo ballansan yahay iyada oo la raacayo dastuurka dalka.

8. Goluhu waxaa uu Dowladda federaalka u soo jeediyay in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo SSC-Khaatumo iska kaashadaan qabashada shirweynaha iyo dhammaystirka SSC-Khaatumo.

9. Goluhu waxa uu isku raacay in DFS iyo maamul goboleedyada ay si dhow uga wada shaqeeyaan duruufaha bini-aadanimo ee adag ee ka dhashay isbedelka cimilada iyo dagaalada argagaxisada si looga gudbo duruufaha adag ee shacabka Soomaaliyeed ku nool yihiin.

10. Goluhu waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo dhameystirka Qorshaha Isbedelka Qaranka, waxa uuna ugu baaqay dhamaan beesha caalamka, maalgashatada iyo ganacsatada iney mudnaan süyaan mashaariicda horumarinta qaranka ee wax looga badalayo kobaca dhaqaalaha, shaga abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Muqdisho.SONNA…1.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo socday muddo laba…

May 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hoygii uu ku dhashay Hitler oo loo aqoonsaday xarun Boliis

Guriga uu ku dhashay hoggaamiyihii hore ee dalka Jarmalka Adolf Hitler ayaa noqon doona ama  loo badalay saldhig boolis,sida uu…

CaalamkaWararka
November 20, 2019

Ibtaada yaysan iil ku gayn

1da December sanad kasta caalamka waxaa laga xusaa ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka HIV/AIDS, Sumadinta maalintaan waxaa go’aankeeda soo…

MaqaalladaWararka
December 1, 2019

Taliye Hurdaaye “Amarka Taliyaha ciidanka xoogga na siiyay waa inaan gacanta ku dhigno Galcad iyo deegaano kale oo muhiim ah”

Muqdisho,(SONNA):- Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ilaalo Qaranka ee xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin howlgal ay ku…

GudahaWararka
March 20, 2024

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo Kitaabo Qur’aanka Kariimka ah ku wareejiyay maamullada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle

Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Saalax Shariif Sayid  Cali ayaa Kitaabo Qur’aanka kariimka ah  ku wareejiyay…

GudahaWararka
January 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023