Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay muhiimad gaar ah siineyso tayeynta iyo taageeridda xarumaha lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka.
“Ummulisooyinka Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin horumarinta caafimaadka hooyada iyo ilmaha, waxa ayna mudan yihiin maamuus iyo garab istaag”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku Xigeenku.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo ka qayb galayay munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Ummulisooyinka ayaa xusay in ummulisooyinka Soomaaliyeed la siin doono tababbarro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfaddooda shaqo, si loo dhiirrigeliyo howlaha ay ku badbaadinayaa hooyada iyo dhallaanka