Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS. ayaa muqdisho qabatay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah ardayda dhigata cilmiga beeraha ee jaamacadaha dalka.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dhiirigelinta xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda iyo dhalinyarada barta cilmiga beeraha, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta wax soosaarka gudaha iyo isbadelka nidaamyada casriga ah ee beeraha.
Madashaan oo ay ka hadleen qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha ardayda jaamacadaha, dhanka kale kulanka waxaa kasoo qaybgalay
Gudoomiyaha Arrimaha bulshada Baarlamanka Soomaaliyeed Marwo: Nadra Salah.
Gabagabadii kulankaan ayaa ka mid ahaa kulamadii hor-udhaca ahaa ee looga arrinsanaaye Shirka wayn ee NAFIS2025 kaasoo dhacay 5,6 May 2025