Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamad ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiye,kaas oo looga hadlaayey khayraadka dabiiciga ah ย (Natural Resources)
Shirkaasi waxaa wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamad Xaashi Carabeey iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Fatxudin Cali Maxamed ,iyadoo kulamkaasi diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddanย Macdanta iyo sidii loo heli lahaa tamar nadiif ah iyo macdan waarta.
Shirkaasi oo inta badan lagu soo bandhigay dood ku saabsan doorka isbeddelka tamarta macdanta waxaa ka qeybgalay Wasiirada Macdanta Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia ,iyadoo uu dooda qaybinaayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS, Mudane Daahir Shire, ayaa si gooni gooni ah ula ula kulmay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi,isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa si cad u muujiyay diyaar garowga Soomaaliya ee ah in dalka uu noqdo mid ku socda wadada horumarka oo laga dheehan karo daahfurnaan, hufnaan, iyo danta shacabka.