Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Tallaabada 1-aad ee dib u hanashada xuquuqdii iga luntay (Faallo) 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Tallaabada 1-aad ee dib u hanashada xuquuqdii iga luntay (Faallo) 
GudahaWararka

Tallaabada 1-aad ee dib u hanashada xuquuqdii iga luntay (Faallo) 

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: April 28, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Waxaan ahay Aabbe Soomaaliyeed, da’dayduna waa afartan iyo wax ka badan. Waligay ma codayn, anna la iima codayn. Sidoo kale, Aabbahay iyo Hooyaday midkoodna ma codayn loomana codayn. Marka la eego dunida casriga ah, waa arrin adag in la rumaysto , sababtoo ah inta badan jiilka ila faca ah ilama qabaan xaaladaan.

Tani waa qayb yar oo ka mid ah xaqii muwaadinnimo aan ku waayay dawlad-la’aantii ku dhacday dalkayga,

Maanta, markii ugu horreysay, waxaan isku diiwaangeliyay in aan noqdo cod bixiye, Waxa ugu horreeya ee aan dooran doono waa maamulayaasha Degmadeeyda insha Allah.

Aniga muhiimad iima lahan cidda guuleysaneysa ama ajande qof wato oo mid kale diidanyahay. Waxaase farxad weyn ii ah in aan dib u helay qayb yar oo ka mid ah xuquuqdayda muwaadinnimo oo iga maqnayd.

Tani waxay fure u tahay xuquuqo kale oo wali ka maqan muwaadiniinta aan ka midka ahay. Waxaan rajaynayaa in noloshu i siin doonto fursad aan ku helo xuquuqdaas maqan.

Waan hubaa kuma bilaabanayso sidii ugu fiicnayd balse waxaan kale oo aan hubaa in ay maalin aan dheerayn gaaridoonto sida ugu fiican Insha allaah, ( Safar Kun Mayl ah wuxuu ku bilawdaa hal talaabo).

Waxaan rajo weyn ka qabaa in aniga iyo ubadkayguba aan heli doonno fursad aan kaga qayb qaadanno maalintaas iftiinka leh, insha Allah.

Intaaan oo arrimood ayaa niyaddayda ku dhiirrigeliyay in aan is-diiwaangeliyo, anigoo ay iga hor muuqato humaag qurux badan oo ku gadaaman mustaqbalka na sugaya.

Is-diiwaangelintaydu waxay dad badan ula muuqan kartaa wax yar, balse kuma imaan si sahlan. Waa natiijada safar aad u dheer oo loosoo galay dib-u-soo-celinta dawladnimadii naga duntay.

Soo gaarsiinta heerkan fadligeeda waxaa leh dhammaan intii qayb ka qaadatay halgankaas, mudnaanta ugu weynna waxaan siinayaa madaxda Qaranka ee maanta haysa talada, kuwaas oo soo jiiray jidgooyooyin badan oo loo dhigay si aanay u suurtagalin is-diiwaangelinta ka socota Muqdisho maanta.

Fariinta aan u dirayo muwaadiniinta Soomaaliyeed:

Mudane/Marwo, is-diiwaangelintu waa bar bilowga xaqa codbixinta. Waxay kaa saareysaa in aad marti ka noqoto mustaqbalkaaga. Waxay ubadkaaga u furaysaa nolol ka wanaagsan tan aad adigu haysato. Waxay talada gacanta u gelinaysaa kuwa inoogu wanaagsan.

Marka, waqti haku lumin siyaasadda saacadlaha ah ee marba dhinac isu bedelaysa — hore u soco oo qaado doorkaaga muwaadinimo.

Ogow:

Ninka maanta diidan oo berri difaacaya waad arkaysaa, sidoo kale kuwa maanta difaacaya oo berri diidaya waad arkaysaa. Labadooduba eed ma leh, waana dabeecadda nolosha siyaasadda.

Haddaba muwaadin, adigu taada raac,

Is-diiwaangeli, kadibna codkaaga si xor ah ugu diid cidda aadan rabin, kuna dooro cidda aad aaminsan tahay.

W/Q:- Wasiir ku-xigeenka easaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

 Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Lix bilood oo dagaal adag lagula jiray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa kala kulmay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa…

MaqaalladaWararka
January 14, 2023

R/Wasaare Rooble oo boggaadiyey Heshiiska Shirka Wadatashiga Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta

Muqdisho,(SONNA)… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay in wadahadalladu…

Wararka
February 26, 2021

Ciidanka Xoogga iyo kuwa Galmudug oo dardargaliyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa koonfurta gobolka Mudug kawada howlgallo ka dhan…

Gudaha
January 12, 2024

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay…

Wararka
February 17, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023