Washington(SONNA);-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Bangiga Adduunka astaan dhaqameed Soomaaliyeed — Haan, Intii lagu jiray gabagabada shirka sannadlaha ah ee hay’adaha IMF iyo Bangiga Adduunka,
Waa markii ugu horreysay ee taariikhda ee astaan ka turjumaysa dhaqanka Soomaaliyeed la suro xarunta Bangiga Adduunka.
Haanta ayaa ah astaan ka tarjumaysa adkeysi, iskaashi iyo horumar.