Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
    Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo Munaasabad kaga qeyb galay K/Afrika
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaTechnologyWararka

Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 26, 2025
5 Min Read
Share

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa bishan 10-keedii sheegay in Shidaalka Turkiga uu bilaabi doono howlo sahamin Shidaal iyo Gaas ah Seddex goobood oo ku yaalla Soomaaliya bilaha soo socda. Shirkadda Shidaalka ee Turkiga iyo Hayโ€™adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiiska baarista iyo soo saarista kaarboonka laga dhaliyo.

“Howlaha sahaminta Saliidda iyo Gaaska ayaa bilaha soo socda ka bilaaban doona Seddex goobood oo muhiim ah oo xeebta ku yaalla oo gaaraya ku dhawaad (โ€‹โ€‹16,000) oo kiiloomitir laba jibaaran”, ayuu yiri Bayraktar. “Wejiga koowaad wuxuu noqon doono cilmi baarista Seismic, kadibna waxaa ku xigi doonaan howlgalo qodis ah, iyadoo ujeedadu tahay in la ogaado lagana soo saaro Saliid iyo Gaaska goobahaasi”, ayuu sii raaciyay.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa hadda waxa uu baaritaanno Seismic ah oo Seddex geesood ah ka wada deegaanno ka tirsan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu qeyb ka ahaa heshiis hore. Oruc Reis uu horay u dhammaystiray ku dhawaad โ€‹โ€‹78% howsha sahaminta, Bayraktar wuxuu yiri: “Dhammaadka bisha May, waxaan ku dhammeyn doonnaa daraasadaha Seismic-ka halkaas”. “Iyada oo ku saleysan xogta la uruuriyay, waxaan gaari doonaa go’aankayaga ku saabsan Wejiga xiga, kaasi oo ah qodista,” ayuu yiri.

Bayraktar waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in magaalada Istanbul ay martigelin doonto Shirka Khayraadka Dabiiciga ah ee Caalamiga ah bisha May 2-deeda. Wasiiro iyo shirkado ay khusayso oo ka kala socda daafaha caalamka ayaa isugu iman doona, xafladaasina ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado iskaashiga, gaar ahaan dhinaca Shidaalka, Gaasta dabiiciga ah, iyo Macdanta.

โ€œDhammaanteen waxay noo tahay maalin taariikhi ahโ€ ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed, wuxuuna sheegay in koox loo abaabuli doono, si ay Soomaaliya u aadaan, si ay u qiimeeyaan oo ay ugu diyaar garoobaan shaqada weyn ee hortaala.”ย  Sida uu sheegeen, Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya โ€œwaxaa ka goโ€™an inay Soomaaliya gaarsiiyaan heer ka duwan kuwii hore.

โ€œSoomaaliya waxa ay ku jirtay tobanaan sano oo colaado sokeeye, dagaalo, iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah, balse hadda waxaa la joogaa xilligii aan horumarin laheyn kheyraadka dabiiciga ah, anaga oo kaashaneyna Walaalaheena Turkiga, waxaan ku guuleysan doonnaa midaasi mustaqbalka dhow,โ€ ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Turkiye Anadolu.

‘Iskaashiga mustaqbalka’, Wasiirka Soomaaliya ayaa yiri: “Waxaan sidoo kale ka fekereynaa kheyraadka kale sida Macdanta.” Waxa uu sheegay in marka la sameeyo aasaaska sharci ee lagama maarmaanka ah, shirkadaha macdanta ee Turkiga ay soo geli karaan Soomaaliya, si ay heshiisyo iyo qandaraasyo u sameeyaan.

Sharciga Batroolka Soomaaliyeed waxaa la ansixiyay sanadka 2020-kii, wuxuuna dejinaya qaab-dhismeedka iyo siyaasada shidaalka iyo Gaasta dalka, oo ay ku jiraan adeegsiga heshiisyada Wax-soo-saar Wadaagga (PSAs) iyo in la hubiyo in kheyraadka Shidaalka iyo Gaasta ay gaar u leeyihiin dadka Soomaaliyeed. Sharcigan ayaa sidoo kale waxaa ku jira heshiis dakhli qeybsi ah, kaasoo dakhliga u qeybinaya shacabka Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo lixda dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista Shidaalka iyo Gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu abuuray jahawareer iyo faafin xog khaldan oo aan sax ahayn.

‘Shidaalka Soomaaliya waxaa leh Soomaaliya’. Heshiisku si cad ayuu u qeexayaa in Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee ku jira dhulka iyo Badda Soomaaliya ay yihiin hanti Qaran oo ay leeyahay Shacabka Soomaaliyeed. Heshiiskani wax isbedel ah kuma keenayo lahaanshaha kheyraadka dalka.

“Turkiga ama shirkad kale lama siinin xuquuq lahaansho shidaal. Turkiga waxa uu kaliya yahay shirkadda fulinaysa howsha sahminta iyo soo saarista, balse ma laha wax xuquuq ah oo ku saabsan hantida shidaalka. Lahaanshuhu wuxuu weli si buuxda ugu jiraa gacanta Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri Khabiir Soomaaliyeed.

Intaan Xusuusnoowย  haddaba:-

* Lahaanshuhu wuxuu weli gacanta ugu jiro shacabka Soomaaliyeed,
* Faaโ€™iido la helayo xilli hore,
* Khataraha la iska ilaalinayo,
* Isla markaana loo gogol xaarayo mustaqbal madax-bannaani dhaqaale iyo horumar farsamo.

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad cusub oo ay si xikmad leh ugu maaraynayso kheyraadkeeda, si uu uga faaโ€™iido Shacabkeeda maanta iyo berriba.

By. C/lahi Ruush

 


 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Barlamaanka Soomaaliyaย  oo lagu soo dhoweeyay Istanbuul+sawiro

Munaasabad lagu soo dhawaynaayey Guddomiyaha arimaha bulshada ee barlamaanka Soomaaliya Ali Osman hersi ( Ali jowhar),ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul…

Wararka
November 13, 2020

Fariimo muhiim ah ee Corona Virus, COVID 19 (Warbixin)

Caabuqa koroona fayrays ee sababa cudurka COVD-19 wuxuu gaarii doonaa wadan kasta dhakhso, ama waqti aan dheeraynba. Waxaan shaki ka…

MaqaalladaWararkaWargayska
March 28, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray jiidda hore ee dagaalka Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan…

GudahaWararka
March 18, 2025

Soomaaliya oo dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo ay ka maqneyd muddo 28 sanadood ah “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) - Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid iyo Agaasimaha Guud ee Ururka Bariga Afrika ee…

Wararka
November 25, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023