Muqdisho(SONNA): In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hawlgalka ayaa yimid kadib markii Khawaarijta ay isku dayeen weerar naf la caari ah oo ay ku qaadeen deegaanka Wargaadhi.
Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka oo heegan buuxa ku jiray ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas, waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay cadowga khasaare xooggan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.
Dhinaca kale, Ciidanka Qalabka Sida ayaa fuliyay hawlgal ka dhacay deegaanka Labi Gooleey, oo qiyaastii 13 km u jirta Wargaadhi dhanka Waqooyi Galbeed.
Khawaarijta ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.
Xaaladda deegaanka Wargaadhi hadda waa deggan tahay, waxaana weli socda xaqiijinta iyo tiro-koobka khasaaraha lagu gaarsiiyay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay u mahadcelinaysaa ciidamada geesiyaasha ah ee sida naf-hurnimada leh ugu taagan difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Dowladda waxay si buuxda ula wadaagi doontaa shacabka Soomaaliyeed wararka iyo faahfaahinta dheeriga ah ee ku saabsan hawlgalkan.
Dhammaad