Muqdisho-SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mr. Lionel Laurens, oo booqasho ku yimid xarunta wasaaradda.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda howlaha dhallinyarada iyo doorka muhiimka ah ee ay UNDP ku leedahay taageerada barnaamijyada ay wasaaraddu hoggaamiso, gaar ahaan kuwa la xiriira nabadda, horumarka, iyo shaqo abuurka.
Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta iskaashiga, gaar ahaan horumarinta barnaamijka Youth, Peace and Security (YPS), iyadoo la adkeynayo kaalinta dhallinyarada ee dhanka nabadda, xasilloonida iyo amniga.
Kulankan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada uu Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali si joogto ah uga wado la-tashiga hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha taageera horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in kulammadan ay yihiin kuwo ujeedkoodu yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee loogu talagalay dhallinyarada dalka.