Addis Ababa (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa kaga qayb galay kalfadhigii 24-aad ee aan caadiga ahayn ee Guddiga Fulinta iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Afrika.
Kalfadhigan ayaa looga arrinsaday dar‑dargelinta hawlaha horyaalla Midowga Afrika, gaar ahaan fulinta iyo fududaynta kuraastii ay doorashadoodu harsanayd. Intii lagu guda jiray kalfadhiga, waxaa la doortay saddex xubnood oo ka kala tirsanaya Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC), Guddiga Sharciga Caalamiga ah ee Midowga Afrika (AUCIL), iyo Golaha Sare ee Arrimaha Satellite-ka Afrika (AfSC), halka doorashada kuraasta harsan dib loogu dhigay bisha July 2025.