Laascaanood (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hadhimo-Sharafeed lagu Maamuusayey kaga qeyb-galay duleedka magaalada Ari-Caddeeya, oo 30, KM dhanka waqooyi ah kaga beegan magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo la hadlay shacabka magaalada, ayaa sheegay in ay farxad gelinayso booqashada taariikhiha ah ee uu ku soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankan, waxa uuna ballan-qaaday in ay dhawaan heli doonaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dadweyne ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan dalkeenna.
Ra’iisul Wasaaraha, oo ay weheliyaan Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, ( Firdhiye) iyo madaxda ka tirsan Hey’addaha Heer Federaal, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo martisoorka loogu sameeyay Beerta Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed, ee duleedka Adhi-Caddeeye.