Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
    Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago  abaalmirin ah”
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee Magaalada Laascaanood
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee Magaalada Laascaanood
GudahaWararka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee Magaalada Laascaanood

By Abdulkadir
Last updated: April 13, 2025
2 Min Read
Share

Laascaanood(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee Magaalada Laascaanood, gobolka Sool ee Maamulka Khaatumo (SSC).

Xafiiskan cusub ayaa noqon doona mid si weyn uga jawaaba baahida ardayda dhammaysatay heerarka kala duwan ee waxbarasho, isaga oo fududeyn doona helidda shahaadooyinka rasmiga ah ee ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ujeeddada laga leeyahay furitaanka xafiiskan ayaa ah in la helo adeeg wax-ku-ool ah oo ardayda u dhow, loogana hortago dibudhac ku yimaadda bixinta shahaadooyinka, taas oo horay ugu xirneyd xarumo ku yaalla magaalooyin kale oo ka fog halka ay ku noolyihiin.

Munaasabadda xarigjarka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Gobolka Sool, bahda waxbarashada ee SSC Khaatumo, waalidiin iyo arday. Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku bogaadinayo dadaalka shacabka deegaanka iyo sida ay ugu heellan yihiin horumarinta waxbarashada, isaga oo xusay in Wasaaraddu ka go’an tahay in la gaarsiiyo adeegyada waxbarasho dhammaan gobollada dalka.

“Maanta waxa aan markhaati ka nahay tallaabo kale oo muhiim u ah xoojinta nidaamka waxbarashada dalka. Xafiiskan waxa muujinayaa sida ay Wasaaradda uga go’an tahay in adeegyada waxbarasho la gaarsiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sii wadi doonta dadaallada lagu xaqiijinayo usinnaanta helitaanka adeegyada waxbarasho, iyada oo kaashaneysa maamulka deegaanka, bulshada rayidka ah, iyo daneeyeyaasha kale ee waxbarashada.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Shabeellaha hoose(SONNA):-Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA ee ku sugan gobolka Shabeellaha…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qaraarka golaha wasiirrada Ee ku Aaddan habdhaqanka gurracan iyo faragelinta qaawan Ee dowladda Itoobiya

Muqdisho,(SONNA):-Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Markii ay arkeen: -Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b)…

GudahaWararka
April 4, 2024

Galmudug oo laga furay tababbar ku saabsan la dagaalanka Maalgelinta khawaarijta

Dhuusamarreeb(SONNA):-Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda ee dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac ayaa maanta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ka furey,…

GudahaWararka
October 19, 2024

Shacabka degan Dhulkii Dab-damiska & Hoggaanka Dhismaha Boliska oo lagu amray in ay ka guuraan

Muqdisho (SONNA):- Boliska Soomaaliya ayaa markale ku celiyey in kama danbees Arbacada soo socoto laga guuro Dhulkii Dab-damiska iyo Hoggaanka…

GudahaWararka
February 1, 2024

Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Degmada Balanbale e gobolka Galgaduud

Balanbal-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad Gobolkeed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Balanbal ee…

GudahaWararka
February 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023