Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo socday muddo labo maalmood ah kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta hannaanka waxbarashada casriga ah ee cimillada iyo hal-abuurka ku dhisan hindisaha istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya.
Waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo Hey’adaha taageera Soomaaliya, iyaga oo falanqeeyay mudnaanta toddobo qodob oo ay ka mid yihiin: siyaasadda, xogta, kaabayaasha, iyo manhajka.
Doodaha ayaa muujiyay baahida loo qabo in waxbarashada laga dhigo mid adkeysi u leh isbeddelka cimillada, in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha, lana helo maalgelin cimillada ku wajahan. Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay in arrimaha cimillada lagu daro tababarka macallimiinta iyo qorsheynta waxbarashada.
Natiijooyinka aqoon-is-weydaarsiga ayaa hagaya dadaallada lagu xoojinayo badbaadada dugsiyada, horumarinta kaabayaasha waara, iyo awoodsiinta waaxda waxbarashada si ay uga jawaabto caqabadaha cimillada, iyadoo la raacayo istiraatiijiyadda qaran iyo ballanqaadyada caalamiga ah.