Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta oo shir guddoomiyay kulanka hay’adda TUBSAN ee la dagaallanka arrimaha xag-jirka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta oo shir guddoomiyay kulanka hay’adda TUBSAN ee la dagaallanka arrimaha xag-jirka
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta oo shir guddoomiyay kulanka hay’adda TUBSAN ee la dagaallanka arrimaha xag-jirka

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 8, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee hay’adaha DFS, Dowlad Goboleedyada, Ururrada Bulshada, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya, Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha la dagaalanka fikradaha xag jirka ah iyo ka hortagga falalka argagixisonimada ee nabadda ka dhanka ah (Preventing & Countering Violent Extremism).

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Qaran ee Tubsan ee La Dagaalanka Fikradaha Xag-Jirka ah ayaa waxaa looga dooday halka ay marayaan hawlaha la dagaalanka fikradaha xagjirka iyo argagixisonimada iyo sidii hay’adaha ku mideysan hawshan ay iskaga kaashan lahaayeen dardar-gelinta barnaamijkan oo muhiim u ah in Soomaaliya ay dib u hesho xasilooni buuxda, qeybna ay ka qaadato nabadda gobolka iyo tan caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa xusay in hawlaha la xiriira fikradaha xajirnimada ee rabshadaha wata aan laga mira dhalin karin haddii aanay jirin iskaashi buuxa oo dhex mara hay’adaha dowliga ah, bulshada iyo qeybaha kale ee muhiimka u ah najaxinta qorshahan qaran.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud ayaa xusay muhiimadda isku duwidda shaqooyinka barnaamijkan oo noqon kara waddada keliya ee lagu xaqiijin karo in jawaab celin waafi ah oo dhameystiran, iskuna dhafan laga bixiyo caqabadaha xagjirnimada rabshadaha wata.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka uga warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen Khawaarijta, kuwaas oo guulo la taaban karo laga soo hoyay, isla markaana ku ammaaney shacabka sida ay ugu baraarugsan yihiin damaca guracan ee Khawaarijta oo mar walba lid ku ah nolosha iyo bedqabka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) Dr. Christopher Laker iyo mas’uuliyiin kale ayaa iyaguna kulankan hadal ka jeediyay, iyagoo ku amaaney Hay’adda Tubsan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay baabi’inta fikradaha xagjirnimada iyo inay Soomaaliya u horseedaan nabad, barwaaqo, horumar bulsho iyo mid dhaqaale intaba.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Cumar Filish oo dhagax dhigay Dugsi Sare oo laga hirgalinayo Deegaanka Gubadleey

Muqdisho:(SONNA)-Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magalada muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar filish) iyo sii hayaha wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada xukumadda…

Wararka
September 27, 2020

Doon sida shixnad isugu jirta gaadiid, shidaal iyo qalabka dhismaha oo gaartay dekada magaalada Hobyo.

Muqdisho (SONNA)- Waxaa maanta ku soo xirtey Dekedda Hobyo Doonni ganacsi oo u rarnayd ganacsato reer Galmudug ah, taasi oo…

Wararka
December 3, 2020

Ciidamada Xoogga dalka oo burburiyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta weerar ku qaaday goobo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyaad…

GudahaWararka
June 22, 2024

Beesha caalamka oo soo dhaweeysay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda 

Muqdisho (SONNA): Warsaxaafadeed ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay gogosha Qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka…

GudahaWararka
April 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023