Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KULAN MIRO-DHAL AH LA YEESHAY GUDDOOMIYAHA MIDOWGA AFRIKA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KULAN MIRO-DHAL AH LA YEESHAY GUDDOOMIYAHA MIDOWGA AFRIKA
GudahaWararka

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KULAN MIRO-DHAL AH LA YEESHAY GUDDOOMIYAHA MIDOWGA AFRIKA

By Dahir Aadan Cali
Last updated: March 23, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka dalka, waxa uuna ammaanay sida dalalka Gobolka ay u kordhiyeen garab istaagga ku aaddan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

“Argagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen. Alle idankii, waaa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib u habaynta Midowga Afrika, kana shaqeyso in ay khibraddeeda daminta colaadaha sokeeye iyo nabadaynta ay uga faa’iideyso dalalka qaaradda iyo gobolka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Rwanda

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika, la…

GudahaWararka
February 18, 2023

Kulan looga hadlayo xaaladda bani’aadannimo ee dalka oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, waxaana…

GudahaWararka
February 5, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Hay’adda Miino baarista

Muqdisho,(SONNA):-  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda…

GudahaWararka
May 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo meel-mariyey sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga

Muqdisho (SONNA), Diseembar 26, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo…

Wararka
December 26, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023