Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo bixiyaasha iyo shaqo doonayaasha oo la daahfuray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo bixiyaasha iyo shaqo doonayaasha oo la daahfuray
GudahaWararka

Nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo bixiyaasha iyo shaqo doonayaasha oo la daahfuray

By Kanaava Mohamed
Last updated: March 16, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa si rasmi ah u daahfuray Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka (Somali National Job Portal), kaas oo wax weyn ka tari doona fududeynta helitaanka fursadaha shaqo ee dalka.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, wakiillo ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Nidaamkan cusub ayaa wax weyn ka beddeli doona habka shaqo-doonayaashu u helaan fursadaha shaqo, isaga oo xoojinaya xiriirka ka dhexeeya loo shaqeeyayaasha iyo shaqo-doonayaasha. Wuxuu yareyn doonaa caqabadaha hor taagan in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan shaqooyin ku habboon xirfadahooda iyo khibraddooda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka, ayaa xusay muhiimadda uu nidaamkan u leeyahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara ee dalka. “Tallaabadan waxay muujineysaa sida ay dowladda uga go’an tahay xallinta caqabadaha shaqo la’aanta, iyada oo la dhiirrigelinayo in fursadaha shaqo ee dalka si cadaalad ah loogu qeybiyo dhammaan muwaadiniinta,” ayuu yiri Wasiirka.

Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin: Fududeynta Shaqo-helidda, Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka, Kor u Qaadista Horumarka Dhaqaale iyo Hufnaan iyo Cadaalad.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa horey u qaaday dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo shaqo-abuurka, gaar ahaan dhalinyarada. Nidaamkan cusub ayaa qeyb ka ah qorshayaal ay wasaaraddu waddo si loo abuuro jawi shaqo oo casri ah, loona fududeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed helaan fursado ay noloshooda ku horumariyaan.

Dhammaan shaqo-doonayaasha iyo loo shaqeeyayaasha waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay si buuxda uga faa’iidaystaan nidaamkan cusub si loo hormariyo fursadaha shaqo ee gudaha dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):-Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka Israa’iil ay ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiga dhaxe ee golaha shacabka oo kulan la yeeshay  taliyaha Ciidanka Asluubta

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta kulan kula yeeshay xarunta Guddoonka iyo…

GudahaWararka
February 18, 2024

QM iyo Midowga Afrika oo ka wada-hadlay arrimaha Soomaaliya

Muqdisho.(SONNA):- Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, ayaa maanta kula kulantay Muqdisho wafdi ka socday…

GudahaWararka
July 6, 2023

Taliyaha guutada 9-aad oo kormeer ugu tegay ururka 96-aad

Taliyaha Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xasan, oo ay wehliyaan saraakiil katirsan Ciidanka ayaa…

GudahaWararka
March 20, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka maraykanka

Minnesota(SONNA):-Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka,munaasabadan ayaa ka…

GudahaWararka
September 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023