Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa burburiyay buundo macmal ah oo ay ka soo gudbeen Khawaarijtii ka dagaalantay Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo ku taalla deegaanka Aw-baalle.
Howlgalkan oo lagu bur-buriyay gaadiid dagaal ayaa sidoo kale, lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad qorsheynayay in ay Buundada ka gudbaan si ay u gacansiiyaan maleeshiyaadkooda firxadka ah.