Muqdisho (SONNA): Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa hayโadda cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO-SO), Xarunta Saadaasha Cimilada IGAD (ICPAC), Hayโadda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) iyo Dowlad Goboleedyada dalka ayaa si wadajir ah u qabtay shirka Qaran ee Saadaasha Cimilada (National Climate Outlook Forum) ee xilliga roobka Guโga 2025.
Shirka oo hal-ku-dhiggiisu ahaa โHorumarinta Adeegyada Saadaasha Cimilada si loo xoojiyo hore-u-digista Khatara Cimilada ee Soomaaliya,โ waxa uu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa awoodda Soomaaliya ee la qabsashada cimilada iyo sidii loo diyaarin lahaa qorshayaal wax-ku-ool ah oo la xiriira xilli-roobaadka Guโga ee soo socda.
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen hayโadaha kala duwan ee dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa lagu falanqeeyay saadaasha cimilada ee xilliga roobka Guโga 2025, iyadoo diiradda la saaray diyaar garowga iyo yareynta khataraha la xiriira isbeddelka cimilada.
Shirkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo adkeysiga cimilada iyo diyaarinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo looga hortagayo saameynta taban ee cimilada, gaar ahaan xilliga roobka Guโga ee soo socda.